Gud. Qurbajooga SL ee EU. A Ubaxle oo Qurbajooga u sheegay in aan cidina hor istaagi karin xuska maalinta qadiyadooda 18May, Xukumdana ,,,‏

Gud. Qurbajooga SL ee EU. A Ubaxle oo Qurbajooga u sheegay in aan cidina hor istaagi karin xuska maalinta qadiyadooda 18May, Xukumdana ,,,‏

 

 

Published: 01/05/2013 @17:22

 

 

Anigoo tixraacaya cabashooyin tiro badan oo ka imanaya Jaaliyadaha Qurbajooga iyo barnaamijkii ugu danbeeyey ee rayiga dadweynaha reer UK, waxaa iiga soo baxay sida ay jaaliyadaha qurbajoogu uga xunyihiin in maalinta qaranimada Somaliland oo calaamada u ah muujinta qadiyada halganka dheer loo soo maray ee 18May in cid gaara ahi taladeeda yeelato ama loo maamulo hab ka duwan siyaabihii farxada lahaa ee loo xusi jiray mudadii 21sano ahayd ee la soo dhaafay.

Hadaba anagoo arintaa cabashadeeda la qabna qurbajooga waxaan masuul ahaan halkan ka cadaynayaa inaanay jirin cid idinka hor istaagi karta xuskii qaranimadeena ee aynu sida farxada leh ee wada jirka ah u xusi jirnay, wakiilka xukuumada u jooga UK ee Ali Adena waxaanu leenaha fadlan shaqadaada ku ekaw hana mooral jebin bulshada isku duuban ee qadiyadana weligeed heeganka u ahayd, mana aqbalayaan in arimaha qaranimada loo afduubo xubno yar.
Waxaan mar labaad iyo sadexaadba dhiiri gelinayaa in wadajirkeena iyo xuska maalmaha qaranimadeena aynaan cidna u daba fadhiisanayn ee aynu geed kasta iyo goob kasta u taagnaanayno, Xukuumada Somaliland iyo masuuliyiinteeda qurbaha nagu soo booqdana waxaanu ka codsanaynaa inayna wax fara gelin iyo kala shirin ah la dhex gelin isku duubnida bulshada reer Somaliland ee ay ku ekaadaan marti nimadooda mudada ay qurbaha nala joogaan noona ilaaliyaan isku duubnida bulshada reer Somaliland , sidoo kalena masuulka ay soo magcaabayaan ee Somaliland wakiilka uga noqonaya wadamada dibedaha ay soo siiyaan  Job Description si aanu ugu dhex milmin shaqo aan xilkiisa khusayn.