Gudi Baaq u Jeedisay Dadweynaha Gobolka Saaxil

image

Berbera(Somaliland). Gudiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 22aad maalinta qaranimada Somaliland 18-ka May ee gobolka Saaxil, ayaa shacabka ku dhaqan gobolkaasi ugu baaqay inay ugu soo baxaan dabaal-degan si ka weyn sidii hore.

 

Gudiga qaban-qaabada xuska 18 May ee gobolka Saaxil oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoolka jaamacada culuumta Badda magaalada Berbera, waxa kale oo ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Saaxil iyo Gudoomiyaha gudida qaban-qaabada 18 May ee gobolka Saaxil xubnaha gudidaas.

Gudoomiyaha gudiga qaban-qaabada xuska 18 May ee gobolka Saaxil, ahna maareeye xigeenka Dekeda Berbera, Cumar Abokor Jaamac, oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi, ”Xuskan sanadkan 2013 wuu ka duwanaan  xusaskii hore, waxaanu dadweynaha gobolka ka codsanaynaa inay si xoog leh oo xamaasad leh ay ugu soo baxaan munaasibada 22 guurada ka soo wareegtay la soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland.”

“Waxa kale oo aan ka codsanaynaa shacabka ku dhaqan gobolkan iyo
ganacsatada inaad si balaadhan ugu soo baxaan idinka oo sita astaanka qaranka
jamhuuriyada Somaliland oo guryihiina iyo meheradahiina ku muujisaan, annaguna gudi ahaan waxaan diyaar u nahay xuska sanadkan aanu wax muuqda ku soo bandhigno gobolka, maadaama gobolada Somaliland oo dhami wada tartamayaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gudida qaban-qaabada munaasibadda 18-ka May ee gobolka Saaxil.

Badhasaabka gobolka Saxil Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadh-Dheer), oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dadweynaha ku guubaabiyay inay cududooda u soo bandhigaan gobolada kale iyo caalamkaba isla markaana ay dareenkooda ku muujiyaan siday u jecel yihiin qaranimadooda.

Badhasaabku waxa uu ammaanay Gudida qaban-qaabada gobolka oo uu tilmaamay inay si wanaagsan u wadaan hawsha agaasinka munaasibadda 18-ka May.

Salaanmedia/Hargaysa