Gudoomiyaha Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Itoobiya ku joogay safar Shaqo ayaa lakulmey Safiirka Somaliland ee itoobiya iyo dhallinyarada reer somaliland ee jooga itoobiya.
Published: 04/08/2012 @07:40
Gudoomiyaha Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Itoobiya ku joogay safar Shaqo ayaa lakulmey Safiirka Somaliland ee itoobiya iyo dhallinyarada reer somaliland ee jooga itoobiya.
Waxa safar shaqo ku yimi magalo madaxda itoobiya ee Addis-ababa gudoomiyaha
dhallinyarada Somaliland ee SONYO, Mudane Axmed cabdi wacays, waxaanu la
kulmay dhallinyarada waxkabarata wadanka itoobiya si uu ugu kuurgalo
xaalada nololeed iyo waxbarasho ee ay ku sugan yihiin. waxaanu kulamo
go’goos ah kula yeeshay dhallinyarada halkaas oo uu uga xogwaramay xaalada
dalku marayo iyo guud ahaan dhallinyarada somaliland halka ay marayaan iyo
horumarada balaadhan ee ay ka gaadheen dhinacyada waxbarshada iyo
siyaasada, iwm. waxay sidoo kale dhallinyaraduna uga warameen horumarka ay
dhinaca waxbarashada ka gaadheen iyagoo usheegay in ay sanadkan ka
qalinjabin doonaan tiradii ugu badnayd ee ka qalinjabisa jaamacadaha
itoobiya. waxay kale oo ay tibaaxeen sida ay ugu faraxsan yihiin dedaalada
iyo horumarada balaadhan ee ay SONYO uhorseeday dhallinyarada somaliland
dhowrkii sano ee ugu danbeeyay, islamarkaana waxay hoosta ka xariiqeen sida
ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qaybqaataan dadaaladaa ay SONYO waddo ee
dhallinyaradda ku aadan gaar ahaan ka qaybgalka siyaasada oo ay dhallinyaro
badan usharaxan yihiin.
Waxa kale oo uu Maanta (3/8/2012) gudomiyuhu la kulmay safiirka Somalialnd
ufadhiya dalka itoobiya Mudane, Adan NUUX DHUULE, halkaas oo ay labada
masuul iska xogwaraysteen guud ahaan xaalada uu dalku maraayo iyo dedaalada
horumar ee ay dhallinyaradu ku talaabsadeen. Waxa xarunta safaarada
gudoomiyaha ku soo dhaweeyay safiirka oo hor kacaaya shaqaalaha
xafiiskiisa. Kaftan iyo soo dhawayn kadib, waxa hadalkii ugu horeyn qaatay
gudoomiyaha SONYO, Mudane Axmed Cabdi Wacays oo warbixin dheer safiirka ka
siiyay waxay qabato SONYO iyo horumarada ay gaadhay 9kii sano ee ay jirtey.
waxa uu sidoo kale uga waramay qorshayaasha horumar ee ay dhallinyarada
doonayaan in ay uqabtaan. waxa uu gudoomiyuhu si gaar ah ugu adkeeyay
safiirka in uu ardeyda waxkadhigata itoobiya uu si gaar ah uogaado
horumarkooda iyo iskuxidhkooda.
Waxa hadalkii qaatay safiir Adan nuux dhuule oo ugu horeyn soo dhaweeyay
gudoomiyaha islamarkaana uga mahadceliyay sida uu ugu soo booqday xarunta
safarada.Safiirku waxa uu isaguna dhinaciisa ka xusay hawlaha ay qabtaan
iyo horumaradii ay gaadhey intii ay xafiiska joogeen. waxa uu sheegay in
hadda xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya maraayo heerkii ugu saraysey,
taasina ay ku timi dedaalka safaaradu ugu jirto xoojinta xidhiidhka labada
dawladood. waxa kale oo uu sheegay safiirku in ay ufudeeyaan guud ahaan
shacbi weynaha hawlaha kaga xidhma dalkan itoobiya oo ay dhallinyaradu
kujirto. taas oo uu sheegay in ay dhallinyaradu yihiin kuwa ay markasta
hawlaha safaaradu heeganka ugu tahay in ay ufudaydiso maadaama oo aanu
aaminsanahay dhallinyaradu in ay yihiin jiilka iska leh hogaaminta maanta
iyo mustaqbalkaba. waxa uu sidoo kale safiirku sheegay in uu had iyo jeer
si dhow ula socdo horumarka dhallinyaradu had iyo jeer ku hawlan yihiin
gaar ahaan dedaalada ay waddo SONYO oo ah dallada mideysa dhallinyarada
islamarkaana loo baahan yahay in ay la-labanlaabto maadaamo baahiyaha
dhallinyaradu had iyo jeer yihiin qaar aad ubadan.
waxa uu sidoo kale uguhambalyeeyay dallada SONYO iyo guud ahaan dhallinyarada somaliland
dedaalkii ay waxkaga bedeleen xeer#20, isagoo xusayna in ay ahayd mid ka
mid ah qorshayaashii aanu xukumad ahaan, dhallinyarada ugu tallogalnay in
aanu uqabano si loo helo dhallinyaro ubisil nidaamka dawladnimo.
ugu danbeyn, waxa kulankani kusoo gebogeboobey jawi isfaham islamrkaana
labada masuul ku balameen in ay si dhow uga wada shaqeen arrimaha
dhallinyarad ku saabsan.