Gudoomiye Cabdoo Axmed Aayar Oo Hambalyo U Diray Guud Ahaan Shaqaale Weynaha Somaliland, Gaar Ahaana Kuwa G.Awdal

 

May 1,2013 Borama(SM) – Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa hambalyo balaadhan u diray shaqaalaha Somaliland, gaar ahaan shaqaalaha gobolka Awdal kuwa dawlada iyo kuwa gaarka ahba munaasibada 1da may awgeed.

Badhasaabka oo arintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “ Maadaama oo ay tahay maalintii shaqaalaha Aduunka ee 1da May waxa aan gabi ahaanba hambalyo u dirayaa shaqalaha dawlada iyo kuwa gaarka ah ee Somaliland, gaar ahaan kuwa gobolka Awdal, waxa aan ugu hambalyaynayaa maalinta qiimaha leh ee ay fasaxa ku jiraan gabi ahaanba shaqaalaha dalku, waxa aan leeyay sanadkan sanadkiisa eebe ha nagu gaarsiiyo bashabash iyo nabad qab”.

“ Waxa aan qirayaa in shaqaaluhu yihiin laf dhabarta waxsoosaarka dalka ee sababta u ah kor ukaca iyo koboca dhaqaalaha ee dalke, sidoo kale shaqaaluhu waa kuwa ay ka muuqato bulsho meesha ay hiigsanayso, iyadaa gaar ahaan dalkeen astaan ay u yihiin shaqaalahu nabada aan ku naaloonayno, waxqabadka muuqda ee dalka ka hana qaaday bari ilaa galbeed, iyo waliba sumcada wanaagsan ee aan maanta u bandhignay dunida ee aan ictiraafka caalamiga ah ku rajaynayno inaan ku helno”

Badhasaab Caboo isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa waajib ah in la ilaaliyo xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha, ha u shaqeeyaan dawlada ama ha u shaqeeyaan shirkado gaar ahba’e, arintaasna xukuumadu way dareensan tahay waxana ay qaadaysaa talaabooyin ay ku sugayso marwalba ilaalinta xaqa  iyo xuquuqda shaqaalaha”

Badhasaabku waxa uu ugu dambayntii la hadalay dhalinta oo uu ka waaniyay Tahriibta waxana uu yidhi “ Waxa aan idin xusuusinayaa in dalkeenu uu wali dihin yahay una baahan yahay in dhalintu ay ka shaqayso si uu khartaadkenu u noqdo mid laga faa’iidaysto oo kor u qaada koboca dhaqaalaheena, dhalinyarada waxa aan ku dhiiri galinayaa inay la yimaadaan fikiro dhaxal gal ah oo shaqo abuur ah oo dalka iyo naftoodaba wax ugu filan, waxa aan ka dardaarayaa inay dibida u hanqal taagaan, waxana aan u sheegayaa in dalalka caalamka ee hore u maray waxa dhisay ay yihiin muroqa dhalintooda, loona baahan yahay in dhalinta Somaliland gaar ahaan kuwa gobolka Awdal ay is barbar taagaan waxsoosaarka dalka iyaga oo fikir iyo muruqba ku bixinaya hormarin.

Salaanmedia/Boorama