Hanti-dhawraha Guud Oo Golaha Wakiiladda u gudbiyay Xisaab-xidhkii Miisaaniyadii 2010-2011-kii

Hanti-dhawraha Guud Oo Golaha Wakiiladda u gudbiyay Xisaab-xidhkii Miisaaniyadii 2010-2011-kii

May 4th, 2013 

Hargeysa (SM)- Hanti dhowraha guud ee Qaranka Md. Maxamuud Aw Cabdi ayaa maanta golaha wakiilada siiyey warbixin ku saabsan xisaab xidhkii miisaaniyad sanadeedkii 2010 iyo 2011-kii.

Hantidhowrka guud waxa uu warbixintiisa ku sheegay in miisaaniyaddii ku tallo-galka ahayd ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen ay ahayd sadex boqol iyo Toban Bilayan, laba boqol iyo sagaal iyo konton milyan,Boqol iyo Kow iyo toban kun, todoba Boqol iyo afar Shilin Somaliland ah, xilli uu dakhligii soo xeroodayna uu ka badnaa miisaaniyaddii ku talogalka ahayd.

Md. Maxamuud Aw cabdi oo ka hadlayey dakhliga korodhka miisaaniyadda ayaa sheegay inuu korodhku gaadhayey Labaatan Bilyan Lix boqol iyo Konton Milyan Afar boqol iyo Lix iyo Sideetan Kun Sagaal Boqol iyo sadex iyo Labaatan. Iyadoo cashuuraha sanadkaasina ay kala ahaayeen cashuurta isticmaalka, cashuurta wax soo saarka, cashuurta alaabta iyo cashuurta dakhliga hantida dawladda.

Salaanmedia/Hargaysa