Haween isku soo rakibtay walxaha qarxa oo dooneysay in ay masuuliyiin badan lesyo oo lagu guuleestay in laqabto

Haween isku soo rakibtay walxaha qarxa oo dooneysay in ay masuuliyiin badan lesyo oo lagu guuleestay in laqabto  
 

news-image1

Ciidamada amaanka ee sida gaarka ah u ilaaliya Xarunta Jaamacada Kismaayo oo ay ku jiraan inta badan ergada halkaasi u joogta dhismaha mamaulka Jubaland ayaa waxa ay maanta qabteen haween walxaha qarxa lagu soo rakibay oo looga shakisanyahay in ay weerar ismiidaamin ah fulin laheyd.

Haaweeneydaan oo suunka leesku qarxiyo iyo banbooyin laga helay ayaa la dhigay Xabsiga Kismaayo, kadib markii ciidamada Kenya oo ku takahsusay fur-furida walxha qarxa ay ku guuleesteen in ay ka furan qaraxyadii.

Cabdi Naasir Seeraar, Afhayeenka KMG ee Kismaayo ayaa waxa uu xaiijiyay in falkaani oo Al-shabaab ay soo abaabuleen lagu guuleestay in laga hor tago.

Waa markii sedaxaad oo la qabto haween isku qarxin laheyd xarunta Jaamacada Kismaayo oo ay ku jiran ergada doonaya in ay dhidibada u taagaan maamulka loo yaqaano Jubaland oo loo sameynayo Jubooyinka iyo Gedo.

Salaanmedia/hargaysa