Hoos Ka Daawo:Haweeney Mareykan Ah Oo Lagu Afduubatay Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qaabkii Loo Qafaashay!

Hoos Ka Daawo:Haweeney Mareykan Ah Oo Lagu Afduubatay Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qaabkii Loo Qafaashay!

Haweeney oo ay ciidamada dalka Mareykanka ka soo furteen kooxo Soomaaliyeed oo afduub ugu haystey dalka Soomaaliya…….


Haweeney u dhalatey dalka Mareykanka oo ay ciidamada dalka Mareykanka ka soo furteen kooxo Soomaaliyeed qafaalasho ugu haystey dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka warantay habkii ay ku soo furteen ciidamada SEAL ee soo badbaadiyey iyadoona ay haweeneydaasi ay ku faantay inay tahay qof American ah arintaasna ay u suurogalisay soo furashadeeda.

Jessica Buchanan oo ah haweeney u dhalatay dalka Mareykanka islamarkaana ka howlgalaysay heyadaha caawiya dadka gaar ahaan caruurta wadamada Afrika oo uu weheliyo Poul Hagen Thisted oo u dhashay dalkaas Denmark oo ay kooxo burcad Soomaaliyeed ku afduubeen dalka Soomaaliya ayaa waxay ka sheekeysay sida ay u soo badbaadiyeen ciidamada kamandooska dalka Mareykaka ee loo yaqaan Seals, Haweeneydan ayaa waxay sheegtay in lagu hayey meel cidla ah oo geed hoostiisa ah islamarkaana ay seexan jireen banaanka iyadoo sheegtayna in habeenkii uu yahay mid qabow badan isla markaana uu marar badan roob ku da’o, Cuntada ay cunada la siinayaay ku sheegtay inay ahayd kaluunka daasadha iyo rooti.

Haweeneydaan ayaa waxay sheegtay inay ku xanuunsatey oo laga qabtey kalida, arintaas oo markii ay gaadhay dhaqaatiirta iyo FBI la sheegay hadii ay sidaas ku sii jirto inay nolosheedu khatar badan ku suganthaay lagana yaabo in ay sii noolaato 2 todobaad oo qudha taas oo keentay in la go’aansaday in la soo furto haweeneydaa, Ka dibna waxaa habeenimo saq dhexe ay ka war heshay haweeneydaasi iyadoo ay rasaastu is qabsatey, waxaan u maleeyey kooxda Alshabaab oo rabta inay i qafaashaan oo ay i dilaan ayey tiri haweeneydaasi.

Laakiin arintu sidaas ma noqon oo waxaan maqlay qof magacayga iigu yeedhaaya taas oo aan gartey inuusan hadalkaasi ama lahjadaasi ahayn qof Soomaali ah ee uu yahay qof American ah waxay igu noqotey yaab iyo inaan rumaysan waayo ilaa ay isku keysheegeen ka dibna goobta ayey iga soo kaxeeyeen iyagoo ila soo cararay, Intii la isoo waday ayaa ciidamadu ay shakiyeen iyagoona isku kay wareejiyey islamarkaana i qariyey aniga oo dhan si ay iiga difaacaan wixii i soo weerara ka dibna waxaa na soo gaadhey diyaarad Hellikopter ah oo aan orod iyo halhaleel ku fuulay ayey raacisay haweeneydaas hadalkeeda.

Dadkii meesha ku haystay ayey waxay ku sheegtay inay la yaabtay wiil yar oo 10 sano jir ah oo ka mid ahaa kooxdaa, markii ugu horeysay ee aan maqlo codka wiilkaas yar waxaan u qaatey inay haweeney ka mid tahay kooxda na haysatey laakiin markii danbaan arkay inuu ahaa codkaas wiil yar oo muqaadaraadka uu qaadka ka mid yahay si aad ah u isticmaalo, runtii waan ka naxay markaan arkay in caruurtii aan u imid dalkaas inaan badbaadiyo ay ka mid yihiin kuwa i dhibaateynaaya oo loo sii tababaraayo burcadnimo ayey tiri haweenydaas oo ka hadlaysay arintaas.

Ugu danbeyntiina iyadoo ay haweeneydaasi ku faantay inay tahay qof American ah islamarkaana markii la soo badbaadiyey oo la soo saarey Helikopterkii soo qaadaysay ay ciidamada dalka Mareykanka ay huwiyeen calanka dalkeeda ayay waxay sheegtay inay ku faraxday inay tahay qof Mareykan ah, Sidoo kale ayaa ninkii u dhashay dalkaas Denmark ee lala soo badbaadiyey haweeneydaas waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ilaahay nasiib u siiyey in lala qafaasho naag u dhalatay dalka Mareykanka oo uu yiri inay haweeneydaas la’aanteed ay arintiisu adkaan lahayd, Ciidamadii soo furtey haweeneydaa ayaa waxay dhamaan cagta mariyeen xeradii ay ku haysteen haweeneydaasi ragii afduubtay iyagoo sidoo kalena goobtaas ku dilay 9 ka tirsanaa ragii haystay haweeneydaas.