Israel oo weerar ku qaaday xarun cidamada Bashar Assad ee dalka Suuriya

Qarax kadhacay xarun cilimbaadhis oo uu lahaa ciidanka Bashar Assad ayaa ka dambeeysay Israel iyadoo aay ku andacoonayso in lagu kaydinayey xaruntaas gantaalada shiishka dheer oo loo waday ururka Xisb ALLAH ee dalka lubnaan ka dhaqdhaqaaqa.

Xaruntaas oo lagumagacaabo Jamraya Research Centre ayaan lakala ogayn in lagu weeraray gantaalo ama diyaaradaha dagaalka ee dalka Israel.

Halkan ka daawo muqaalka weerarka oo aroornimadii Axada caasimada Dimishq (Demascus) ka dhacay.

 

http://youtu.be/XP1Za-xu8r0

 

Wadanka Suuriya ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal sokeeye ka socday iyadoo ciidamaday Bashar Assad lagu eedeeyey inuu xasuuq u gaysto shacabkiisa isagoo isticmaalaya hub kiimiko ah iyo milishiyaad taageersan Bashar Assad.

 

Warsame Siciid Jawaan

 

Salaanmedia UK