Adna moholinow maad ka dayn, doog hasiishidine.
Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada soomaalilaand ee xorta ah iyo dhamaan shacabka sharafta iyo qaaya leh ee reer soomaalilaand, salaan kadib ku soo dhawaada tixdan gaaban ee la magac demin
Tidan yari ee gaaban waxaan ugu jawaabayaa nin layidhaa Moholin oo maalin dhawayd soo qoray maanso leh maxaa xirsi loo daba socodaa.
Markaa tiXdani waxay cadaynaysaa waxa uu xirsi kaga duwan yahay madaxda kale ee xilalaka haysa amaba soo qabatay xilal hore. Ee Xirsi wuu gabyay oo weliba wuu ku hajabay.
Adna moholinow maad ka dayn, doog hasiishidin
Debi oogi maayee anigu waan deminayaaye
Abid kay ma doonteen xirsoo, kuma dambaabeene
Duulaanka waxa loogu yahay waa dab kuu shidaye
Asagaa durbaanada tumoo, deelay daabacaye
Asagaa gole ka doobyoo ka yidhi wadin dilayaaye
Asagaan Duqay iyo barbaar, dhawrin dumar-kiiye
Asagaa dacwado soo akhriyay, aan dawo lahayne
Asagaa digaayoo hunjabay, madashi doonyiiye
Asagaa waxbaan duubi yidhi hadalle deelqaafe
Asagaa dubii herer ku dhacay, soo daliishadaye
Asagaa togdheer iyo dayacay, dacaladii cayne
Asagaa dalbaday weer kee ha iska daafoco e
Asagaa duqeeyee shacbigu, maba dagaaleene
Malaa wuu dayoobee taladu, kama dubooteene
Weligay dabaal kuma sifayn, diricse mooyaane
Hadii-se uu diiran yahay, doodsan buu celine
Coono daatay waatii la yidhi, kii dumbuun qabo e
Ha dalbado inay saamaxaan, waa dariiq wacane
Dhibta taal horaan uga digee, waanay deyahayne
Jeer ay digaan digaha noqdaan, maba dareemaane
Abid kay ma doonteen xirsoo, kuma dambaabeene
Adna moholinow maad ka dayn, doog hasiishidine.
By Cabdiwelli Yalas