Kulankii Jaaliyadda Reer Somaliland UK iyo madaxda mashruuca Somaliland Business Fund..Daawo sawiro

IMG_4877

Waxa Shalay 9.2.13  kulan aad u baalaadhan isugu yimid qaar ka mid ah jaaliyadda Reer Somaliland iyo madaxda mashruuc lagu magacaabo  Somaliland Bussiness Fund oo ka hawgala Somaliland,Kulankaas oo ay kasoo qaybgaleen Aqoonyahano,Dhalinyaro,Haween iyo dad aad u xiiseeya xaga ganacsiga.

IMG_4862

Kulankaa oo Somaliland Bussines Fund oo ah mashruuc ay maal galiso Bank Aduunku ujeedadeeduna tahay sidii dadka reer Somaliland ee ganacsiga haysta loo siin lahaa tageero xaga dhaqaalaha ah si ay shaqooyin ugu abuuraan dadka degaanka degan,Mashrruca oo ah in la buuxiyo shuruudo ku xidhan oo u baahan inaad fahanto, loona gudbin doono dad khibrad u leh oo arinka go’aan ka gaadhi doona,

Salaan media_002

Ugu Horeyn waxa madasha shirku ka dhacaayey hadalo kooban oo ku saabsan mashruucan  Somaliland Bussiness Fund ka bixiyey Nagiib Xaashi oo ah muwaadin reer Somaliland ah kana mid ah madaxda World Bank ee ka hawl gala wakhtigan Somaliland,Waxa uu ugu horeyn aad ugu mahadceliyey sida quruxda badan ee aad uga soo qaybgasheen mashruucan waxaanan filayaa in aad kuligiin maqasheen in mashruucani yahay in shacabka reer Somaliland laga caawiyo sidii ay shaqooyin u abaari lahaayeen oo looga baahan yahay in ay keenaan fikir wacan oo ay faa’ido ku abaari karaan, Waxa kale oo uu sheegay in mashruucan aanu ahayn wax cidi si gaara u leedahay iyo inaan cidna garab la siinayn ee ay tahay inaad marto sifo sax ah oo aad ku dalbato mashruucan

IMG_4850

Michael Engman waa maamulaha mashruuca world bank oo fadhigiisu yahay magaaladda Hargaysa gaar ahaan Hotel Mansoor oo ay xafiis ku leeyihiin,Waxa uu soo bandhiga hadal aad u dheer oo qoraal ah (Presentation) kuna sharaxaayo arimo aad u fara badan oo khuseeya waxa mashruuca Somaliland Bussiness Fund ku saabsan yahay ,cida xaqa u leh inay dalbato iyo meesha uu ka heli karo jawaabta, ugu horeyn waxa uu sheegay in intii ay mashruuca ku jireen ay soo dalbadeen dad aad u fara badan oo nasiib daro ay ku guuleysteen uun 59 qof oo ah reer Somaliland,kuwaas oo sifo sharci ah ku helay in la siiyo lacag ah ku abaaraan shaqo.

IMG_4880 Ujeedadda ka  danbeysa mashruucan ay tahay sidii shacabka Somaliland ay uga faa’ideysan lahaayeen oo ay tahay in ay mareegta (Website) oo ah www.somalilandbusinessfund.com, booqdaan oo ay ka raadsadaan warbino kala duwan oo ku saabsan,sidii ay u buuxin lahayd formka,talooyin ku aadan cida xaqa u leh ee dalban karta iyo halkii aad ka heli lahayd warbixino kala du-duwan,waxaana mareegta aad ka helaysaa afsoomaali.

IMG_4867

Waxa iyana ka hadlay madaxkale oo ka socday mashuucan Somaliland Bussiness Fund  oo dhamaantood aad uga hadlay faa;idada ama ujeedada ka danbeysa oo ah in ganacsatada dalka ku nool la maalgaliyo si ay shaqooyin u abuuraan,tasoo keeni karta inay hore u qadaan nolosha shacabka ku nool Somaliland

IMG_4892

Waxa ugu danbeystii la weyiiyey su’aal  aad u fara badan oo taabanaaya dhinacyo oo ay dhamaan dadkii kasoo qaybgalay ay maanka ku hayeen,Dadku waxa ay ka cabanayeen in marka ay dalabka sameeyaan aanah  helin jawaab ku aadan waxa loo diidey codsigaada ,tasoo ay ku micneeyeen in dadbadan oo soo dalbaday daraadood aanay qofwalba u jaawi karin.

IMG_4879

Ugu danbeystii waxa ay dadka badankoodu ku qanceen jawaabaha ay bixiyeen madaxadii ka socotay Somaliland Bussiness Fund iyo World bank,waxayna maantaba ka ambabaxeen London iyaga oo kusii jeeda Dubai,Cidii xiiseynaysa inay Dubai ka qayggasho lasoco www.salaanmedia.com waxa aan idiin soo gudbin donaa meesha lagu qabanaayo oo ah Dubai.

IMG_4885

Waxa runtii ah in lagu farxo in mashruucani yahay mid aad u muhiima oo ah in dadka reer Somaliland ah ee doonaaya inay dalbadaan ay tahay inay ka fiirsadaan waxa ay ku qorayaan iyo inay talooyin ka qataan cida uga waayo aragnimo badan,waxayna sheegeen inay ka caawin doonaan wixii karaanooda ah,waxa kale oo ay sameeyeen wacyi galin badan oo ku aadan mashruuca.

IMG_4896

IMG_4845 IMG_4886

IMG_4888

IMG_4847

IMG_4898

IMG_4876

 

IMG_4869

IMG_4873

Xamse Axmed Salaan
London
www.salaanmedia.com