Xisbiga WADDANI Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Xidhiidh Wanaagsan La Yeelato Xafiiska Cusub Ee UNSOM.

Xisbiga WADDANI Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Ay Xidhiidh Wanaagsan La Yeelato Xafiiska Cusub Ee UNSOM.

 image

(SM.Hargeysa)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in   ay cilaaqaad wanaagsan la yeelato xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee UNSOM.

 

Guddoomiyaha ku xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, oo maanta u waramayay Telefiishanka HCTV, ayaa xukuumada u soo jeediyay in ay qaado tallaabo    lagu wanaajinayo xidhiidhka xafiiskaas.

“ Somaliland hore ayay uga caban jirtay xafiiskii Mahiga oo  meesha ka baxay, markaa  waxaan xukuumada ugu baaqay in xidhiidh  la yeelato xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay , si loo wanaajiyo xidhiidhka cida xafiiska masuulka ka ah” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka 1-aad

Waxa kale  oo uu dhaliilay  qaabka u xukuumadu u xushay guddida qabanqaabada xuska  18-ka May.

“ Dawladu iyada ayaa isku koobtay xuskii, markaa waxa aanu shacabka leenahay wasiiradani  %90 ma haystaan kalsoonida ee idinku muujiya  xuska maalintaas oo  oo dalka gudihiisa iyo dibediisa waa in aynu isku soo baxnaa, guddida qabanqaabada ee xukuumada waxa ay ahayd lagu daro xisbiyada Qaranka , ururada bulshada rayidka ah  iyo shacabkeena dadka magac ku leh”

 

Salaanmedia/Hargeisa Office