13 / 4 / 2013
Manta waa dareen
Waa hees aan ugu tala galay
18 / 5 / 2013
Manta waa dareen
diir kiyo jidhkuba
idubaa xiyoo
dad weynuhu dhammaan
udabaal degeen ayaan diiranayd
.
Manta waa dareen
Damiir nooli uu kuu ducayna yoo
Dimquraadi nimo dihin kii maqnaa
Daran doori nahay
.
Manta waa dareen
Damalaw LIXLIYO boqolaal ka daran
Geesigii la dilay jannaduu degiyo
Iilku deeqa yee
.
Manta waa dareen
Geesh udaacadoo aan iyaga dilayn
Udiyaar yahoo afarteeda dacal
Ay digtoon yihiin
.
Manta waa dareen
Qarankii la deday heeryadii dejoo
Hooya dalanayd ciil kii damqiyo
Xunku deyna yee
.
Manta waa dareen
Dekaddeenna aan dibad joogihii
Baabuur udiray ku soo duulihii
Kala dooranayn
.
Manta waa dareen
dulmigii ku helay laga doogsadoo
nabad lala dersay degganoo yinkii
ku dal xiisa yaan
.
Manta waa dareen
Dagaal kii lagalay dan inuu ahaa
Waxay doonayeen daahir lo arkoo
Deeq (ILAAHAY ) tahay
.
Manta waa dareen
Daacaddii mar kale xaqqu daw marshoo
Duudsigay galeen wanaag dooriyooy
Daahii jareen
.
Manta waa dareen
dubaaq moholin uu Run udaadegoo
dadkiisaw bandhigay Nimcadaa da,diyo
sharaf diiranee
.
Manta waa dareen
Manta waa dareen manta waa dareen
Manta waa dareen dammaa shaada hoo
Dadku farax yihiin
Maxamuud cismaan Faarax ( Moholi )