Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Geele Oo Ka Qaybgalaya Shirka Soomaaliya Ee Magaalada London

May 5,2013 Hargaysa(SM)Madaxweynaha dalka Djibouti, ayaa u dhoofaya toddobaadkan Magaalada London oo uu kaga qaybgalayo shirka arrimaha Soomaaliya , oo lagu casuumay.

Madaxweyne Geelle oo ka hadlay shirkaas, ayaa sheegay in u yahay mid lagu muujinayo dadaal lagu horumarinayo nabada Soomaaliya.
“ Waxa la gaadhay wakhti adag oo taabtay shacabka Soomaaliya iyo Geeska Afrika, waxa la sameeyay dadaal ay guul ka gaadheen ciidamada AMISOM, waxa shirka dib loogu dhisayaa horumarka Soomaaliya”
Madaxweynaha Djibuoti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sida oo kale London kaga qaybgalaya shirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Djibouti iyo Ingiriiska , waxaana socdaalkiisa ku weheliya wasiirada arrimaha iyo maaliyada.
Djibouti ayaa waxa Soomaaliya k jooga 1,000 askari oo qayb ka ah ciidamada AMISOM , kuwsoo ku sugan gobolada dhexe.

Salaanmedia.com/Hargaysa