Madaxweynaha Somaliland Iyo Safiirka Midowga Yurub Oo Ka Wada Hadlay hanaanka loo maamulayo deeqaha

Madaxweynaha Somaliland Iyo Safiirka Midowga Yurub Oo Ka Wada Hadlay hanaanka loo maamulayo deeqaha

May 21st, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay  Safiirka midowga Yurub ka socda oo la yidhaahdo Michele Cervone d’Urso.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda uga waramay waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo safiirkaasi ka wada hadleen, waxaanu yidhi  “Waxa maanta Booqasho Somaliland ugu yimid Safiirka Midowga Yurub ka socday oo la yidhaahdo Michele Cervone d’Urso, waxaanan ka wada hadlanay guud ahaan cilaaqaadka ka dhaxeeya midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. Waxa kale oo aanu maanta ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u  isticmaali doono oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba uu midowga Yurub ka caawiyo.”

Wasiirka Arrimaha dibada oo ka hadlayay dulucda qodobadii ay maanta ka wada hadleen Safiirkan, waxaanu yidhi “Waxaanu ka wada hadalnay mabaadiida guud ee Midowga Yurub iyo xukuumadda Somaliland ay ku wada shaqaynayaan.”

“Waxaanu ku faraxsan nahay sidii horeba caadada u ahayd in midowga Yurub uu si toos ah ula shaqaynayo dawladda Somaliland. Sida dalalka kale ee yuruba ay noola shaqeeyaan. Wixii muwaacimo ah ee la ina siinayaana ay ku dhisnaan doonto qorshaha qaran ee dalkani (Somaliland) leedahay. Arrimahaasi si wanaagsan oo balaadhan baanu iskugu afgaranay,”ayuu Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi.

Dhinaca kale, danjire Michele Cervone d’Urso oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu

madaxweynaha uga mahad celinayo sidii ay iskugu afgarteen iskaashiga Somaliland iyo midowga yurub

sadexda sanadood ee soo socda. Safiirku waxa uu sheegay in mashaariicda ay ka fuliso Somaliland loo hirgelin doono hadba daruuriyaadka Somaliland u dejiso.

 

Salaanmedia/Hargaysa