Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Warbixiyay Kulan Uu La Yeeshay Raysal Wasaaraha Itoobiya.+Sawiro

(SAddis-ababa )-Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta soo gaadhay magaaladda Addis-ababa ee dalka itoobiya ka dib markii ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen dalka Britain.

Kulankan oo socday muddo saacad iyo badh ah ayaa labada Hoggaamiye ku faaqideen sidii loo sii adkayn lahaa isla markaana kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka dib xarunta madaxtooyadda Itoobiya shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in ay Raysal wasaare Hailemariam Desalegn ay ka wada hadleen qodobo la xidhiidha sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhaxeeya xidhiidh iskaashi oo aad u wanaagsan, kaasi oo aanu rajaynayno inuu ka sii socdo halkaasi, ma aha markii u horeysay ee aan la kulmo Raysal wasaaraha Itoobiya, aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan maanta la kulmo waxaana aanu ka wada hadalnay oo aanu iskugu nimid sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.”

“Waxaanu ka wada hadlanay Raysal wasaaraha arrimo ku saabsan ammaanka iyo sidii aanu iskaashi uga samayn lahayn dhinacyo kala duwan oo labadayada dalba masaalix u ah,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu uga mahad celiyay Raysal wasaaraha Itoobiya sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha dibada Itoobiya u qaabilsan Arrimaha Afrika oo isaguna ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in kulankan ay yeesheen labada Hoggaamiye ee Itoobiya iyo Somaliland mudadii uu socday lagaga wada hadlay sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, kuwaasi oo iskaashi ka leh dhinacyada nabad-gelyadda, isku socodka iyo Ganacsiga.

Agaasimaha Guud waxa uu intaasi ku daray in kulankan lagu soo qaaday shir lagu kaalin gelinayay xidhiidhka labada dal oo todobaadkii hore lagu soo gabo-gabeeyay Hargeysa, kaasi oo masuuliyiin heer farsamo ah oo ka socday laba dhinac ay ku naaqishayeen qodobada ay iska kaashan karaan labada wadan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada u qaabilsan Afrika waxa uu tilmaamay in shirkaasi oo ay ka soo baxeen qodobo dhawr ahi isla markaana uu dhawaan u gudbi doono heer Wasaaradeed.

Kulankan waxa Madaxweynaha Somaliland ku wehelinayay Wasiirrada Arrimaha dibada iyo Madaxtooyadda, halka Raysal wasaaraha Itoobiyana uu ku wehelinayay Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha dibada u qaabilsan Afrika.

Kulankani waxa uu noqonayaa kii u horeeyay ee Raysal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweyne Siilaanyo ay si mugleh uga wada hadlaan iskaashiga labada wadan ee saaxiibka ah, tan iyo markii uu Raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya la wareegay xafiiska dabo-yaaqadii sanadkii hore ee 2012-ka.

 Salaanmedia/Hargaysa