Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Madaxweynaha Soomaaliya iyo David Cameron oo si wadajir ah u furay una wada hoggaaminaya shirka London.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo David Cameron oo si wadajir ah u furay una wada hoggaaminaya shirka London.

(London, UK 07 May 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Mudane David Cameron ayaa si wadajir ah u furay una wada hoggaaminaya shirka London.

CA5P1874

Ra’iisul Wasaare David Cameron ayaa ku ammaanay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka baaxadda leh ee ay ka gaartay  dhinacyo badan, sheegeyna inay weli jiraan caqabado farabadan oo u baahan in caalamku uu ka saacido Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad taariikhi ah ku furay shirka London oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 54 dal iyo hay’adaha caalamiga ah oo ay ku jireen Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal ayaa u mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo doorkiisa saliimka ah ee uu markii labaad shir Soomaaliyeed ku qabto London labo sano gudahooda.

Madaxweynahu waxuu yiri “ Waxaa laga yaabaa in dadku is weydiiyo maxaa Soomaaliya waqtigan loo saacidayaa? Wallow ay jiraan horumar baaxad leh, haddana weli waxaa taagan caqabado fara badan oo u baahan in laga saacido shacabka Soomaaliyeed.” Madaxweynaha oo tusaale u soo qaaday geed yar oo uu ku tallaalay Madaxtooyada maalintii dhirta Soomaaliya 17kii April ayaa sheegay “In geedkaas yar uu u baahanyahay in la waraabiyo oo laga celiyo cayayaanka dili kara inta uu ka baxayo oo uu geed weyn ka noqonayo. Sidoo kale Soomaaliya waa geedkaas oo kale oo u baahan in si joogta ah looga warqabo inta uu ka xidideysanayo oo marka uu baxana ay dad badan ku raaxeysan doonaan, Soomaaliyana waa sidaas oo kale” ayuu madaxweynahu sheegay.

Madaxweynaha ayaa caalamka u sheegay “ In Dowladda uu hoggaaminayo ay tahay mid caalamku uu kalsooni ku qabi karo oo qorsheyaasha noo degsan ee dhanka amniga, garsoorka iyo dib-u-habeynta maaliyadda ay keeni karaan inay shacabka Soomaaliyeed ka saaraan dhibkii soo socday muddo 22 sano ah oo shacabku ay helayaan horumar iyo barwaaqo.”

 CA5P1841CA5P1812CA5P1849CA5P1874

Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia




Leave a Reply