Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo Twitter-kiisa Qoraal Cajiib ah uga diray Midowga Africa (Akhriso Nuxurka).

Madaxweynaha  Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa waxa uu Warqad Qoraal ah ka dhex diray Bogga Twitter-ka ku leeyahay Aallada Interneedka isagoona u diray Urur weynaha Midowga Africa.

Qoraalka uu diray Axmed Siilaanyo, ayaa waxa uu ku saleysnaa in Xukumadda Somaliland uu rajeynaayo in Cod Aqlabiyad ah Ururka Midowga Africa ku taageeraan sidii Somaliland uga madaxbanaanaan lahaayeen Somalia inteeda kale.

Sidoo kale, waxa uu Qoraalkiisa ku sheegay Madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo in Somaliland aysan Somalia ka goosan, balse ay dooneyso inay dib u soo ceshato Xorinimadeeda, isagoona Qoraalkiisa shaaca kaga qaaday in Xornimo doonka Somaliland uu horay u ahaa mid waligii taagnaa sida uu hadalka u qornaa.

index

Wuxuu Qoraalkiisa ku cadeeyay in  Somaliland ay ka go’an tahay inay helaan Ictiraaf Caalami ah, isagoona Tilmaamay in Midowga Africa looga baahan yahay inay buuxiyaan Kaalinta uga banana dhanka Xorinima doonka Somaliland.

Ugu dambeyntii, waxa uu Warqadiisa ku sheegay in Shacbiga reer Somaliland u taagan yihiin sidii ay u heli lahaayeen Ictiraaf Caalami ah, isagoona sheegay in Shacbiga oo kaliya aysan wax dhisi Karin Balse uu Dawladiisu u bahan yahay Diplomaasiyiin aqoonsiga la baadi goobo.

Xamse Axmed Salaan

London

salaanmedia.com