Madaxweyne Ku xigeenkii hore oo Taageeray Muddo kordhinta Wakiiladda

Madaxweyne Ku xigeenkii hore oo Taageeray Muddo kordhinta Wakiiladda

May 13th, 2013 

Hargeysa(SM) Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa taageeray muddo kordhintii loo sameeyay goleyaasha sharci dajinta iyo wakiiladda isagoo qirey in dhibaato ay tahay doorashooyin isku xiga la qabto oo uu tilmaamey dalkeenu in aanu dhaqaale ahaan awoodin.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramayay Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dalkeena waxaa laga qabtay doorashooyin badan oo isku xiga taasina waxaa ay keentaa dhaqaale burbur iyo naceyb.

Hadaad maanta eegto caalamka ma jiro doorashooyin keli keli loo qabto dal awooda waxaanan soo jeedin lahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanadda la qabto tobankii sanaba mar, goleyaasha wakiiladda, guurtida, madaxtooyada la israaciyo oo isku mar la qabto, waxaan taageersanahay muddo kordhintii loo sameeyay goleyaasha wakiiladda iyo guurtida oo haddii ay suurtagal tahay mar la wada qabto doorashooyinkooda.”

Dhanka kale, Mr Axmed Yuusuf Yaasiin xukuumadda talada haysa waxa uu ugu baaqay wax ka qabashada tabashada beelaha gobolka Salal waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya “waxaan xukuumadda ugu baaqaya in tabashada gobolka Salal oo hoos loo eego, Soomaaliland waxay caan ku tahay inay mar wada guurto, waana in bulshada degta gobolkaasi si dhaba looga saxal tiro tabashada ka dhalatey doorashooyinkii goleyaasha deegaanada.”

Waxa uu ugu dambeyn Axmed Yuusuf Yaasiin shacbiga ugu baaqay inay si weyn u xusan una muuneeyan sanad guurada laba iyo labaatanad ee xuska 18 May oo ah maalintii dhidibada loo taagey Qarankan Jamhuuriyada Somaliland.

Salaanmedia/Hargaysa