Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Dalka Dib ugu Soo Laabtay Ka Dib Safar Qaatay 26 Caano Maal Daawo Sawirada Soo Dhawaynta Madaxweynaha

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Dalka Dib ugu Soo Laabtay Ka Dib Safar Qaatay 26 Caano Maal Daawo Sawirada Soo Dhawaynta Madaxweynaha

Published: 05/05/2013 @13:46

 

 

Waxa maanta Dalka ku soo noqday Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminaayey oo mudo 26 maalmood ah dalka kaga maqnaa safar balaadhan oo madaxweynuhu kusoo maray wadamada Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka, Kenya iyo Ethiopia .

 

Safarkan oo ahaa mud qiimo gaar ah ugu fadhiyey Qaranka Somaliland waxa uu ahaa mid ku soo dhamaaday Guulo wax ku ool ah oo ay Somaliland ku talaabsatay mudadii ay jirtay ama ay la soo noqotay Madaxbanaanideeda.

Soo noqoshada Madaxweynaha ee maanta uu ku soo guriyo noqday Dalka waxa ay shacbigu madaxweynaha ku qaabileen dareen aad u sareeya, kaasi oo ay ka qayb galeen Mucaarad iyo Muxaafidba kuwaaso kaga hortegay Madaxweynaha Gegida Diyaaradaha ee Hargeysa Airport .

 

Halkaas oo madaxweynaha Somaliland uu saxaafada ku siiyey waraysi la xidhiidha safarkiisa iyaguna ay su’aalo ku waydiiyeen Madaxweynaha JSL.

Salaanmedia/hargaysa