Magacaabis Xil Cusub Oo Loo Magacaabay Mudane Yusuf Budle Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga‏ Ee Xisbiga UCID.

Magacaabis Xil Cusub Oo Loo Magacaabay Mudane Yusuf Budle Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga‏ Ee Xisbiga UCID.

 

War saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid 
Axmed Aden Ismaaciil (Keyse)…..

War saxaafadeedkan uu soo saaray Xoghayuhu ayaa saaca ka qaaday in maanta laga bilaabo uu Mudane Yuusuf Budle yahay Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Ucid waxaanu u qornaa sidatan. 

Waxa farxad weyn noo ah in wada tashi dheer ka dib la isla qaatay in laguu magacaabo Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Ucid (Foreign Secretary and International Relationship of Ucid Political Party). Waxa aan kalsooni buuxda ku qabnaa in aad si habsami leh u fulin doonto una hirgelin doonto siyaasadda arrimaha debedda ee Xisbiga Ucid iyada oo aanu rumeysanahay in aad wax weyn ka tari doonta sidii xisbigu ula yeelan lahaa xidhiidh iyo saaxiibtinimo dhow dalalka iyo siyaasiyiinta daneeya arrimaha Somaliland. 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND 

REPUBLIC OF SOMALILAND 

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka 

UCID 

Justice and Welfare Party 

حزب العداله والرأفة 

Jimce, 17 Mayl 2013 
Ujeedo: Magacaabis Xil oo Cusub Yusuf Budle Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga 
Ku: Yusuf Budle Minneapolis, Minnesota, US= 
Og: Xarunta Xisbiga Ucid =Hargeysa, Somaliland= 
Og: Musharax Ku-xigeenka Xisbiga Ucid =Xarunta= 
Og: Musharxa Xisbiga Ucid =Xarunta= 
Og: Guddoomiyaha Xisbiga Ucid =Xarunta= 

Mudane Budle: 

Waxa farxad weyn noo ah in wada tashi dheer ka dib la isla qaatay in laguu magacaabo Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Ucid (Foreign Secretary and International Relationship of Ucid Political Party). Waxa aan kalsooni buuxda ku qabnaa in aad si habsami leh u fulin doonto una hirgelin doonto siyaasadda arrimaha debedda ee Xisbiga Ucid iyada oo aanu rumeysanahay in aad wax weyn ka tari doonta sidii xisbigu ula yeelan lahaa xidhiidh iyo saaxiibtinimo dhow dalalka iyo siyaasiyiinta daneeya arrimaha Somaliland. 

Mudane Budle, waxa kale oo aan kula socodsiineynaa in dhawaan la soo saari doono dhismaha iyo magacyadda xubnaha guddiyadda Xisbiga Ucid ee Waqooyiga Mareykanka (North America). Waxa kale oo iyana xisbigu ku talo jiraa in uu sameey Guddida Arrimaha Debeda oo noqon doonta mid heer qaran ah. Waxa laga yaabaa in arrimahaasi oo dhami ay sahli doonaan sidii xisbigu uga midho dhalan lahaa higsigiisa siyaasadiisa arrimaha debeda iyo siyaasadda uu xisbigu ka leeyhay dalka Markeynkan. 

Waxa xubnaha Xisbiga Ucid ee Laamaha Debeda,marka la soo dhameystiro, ay xidhiidh wada shaqeyn oo toos ah la yeelan doonaan Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Ucid sida uu sheegaayo Xeerka Xisbiga Ucid. Waxa aanan ku rajo weynahay in aad sameyn doontaan xidhiidh wada shaqeyn oo fiiican. 
Allah Mahad Leh 

Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) 
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid 
UCID-Media Group 
Stockholm