Mid Ka Mida Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Denmark Oo Si Ba’an Uga Soo Horjeestay Deeqda Denmark Siinayso Somalia.

Mid Ka Mida Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Denmark Oo Si Ba’an Uga Soo Horjeestay Deeqda Denmark Siinayso Somalia.

 Sool
Copenhagen: Afhayeenka arrimaha horumarinta ee xisbiga Mucaaridka ee layidhaahdo DF, Hans Kristian Skibby, ayaa Waalli ku tilmaamay lacagta Denmark u Qoondaysay horumarinta dalalka soo koraya iyo deeqda Somalia la siinaayo. Xisbigan oo layidhaahdo Dansk Folk Parti ayaa ah Xisbi Mucaarid oo Xoog ku leh Siyaasada dalka Denmark, Waana Xisbi ku adadag Arimiha Ajinabiga ama Shisheeyaha nool Denmark Gudaheeda, Xisbigan DF ayaa lagu qiimeeyaa Siyaasadiisa mid Xag-jir ah oo u janjeedha dhinca garabka Midig……Dadka qaarna waxa ay ku sifeeyaan Xisbi Cusuriya oo si qayaxan u muujiya nacaybka uu u ahayo dadka Shisheeyaha ah.

Xisbigan ayaa ka cabsi qaba in lacagtaas loogu yaboohay Soomaalida ay ku dhacdo gacmo qaldan – tusaale ahaan in lagu maalgeliyo xiisadaha ragaadiyay dalkaas.
Kooxaha militeriga iyo bilayska ah ee dawladda Somalida ayaa ah Qaswada yaal aad u sumcad xun oo madax iyo minjo aan kala lahayn ayuu shir saxaafadeeka uu qabtay uu ku sheegay Mr.Hans Kristian Skibby.

75 Million oo krone ayaa loogu deeqayaa.
Wasiirka arrimaha debedda ee Denmark Mr.Villy Sųvndal iyo wasiirka horumarinta Mr.Christian Friis Bach ayaa maanta 07/05/2013 kaga yaboohay shirka London ee Somalia deeq dhan 75 million oo krone.
Lacagta ayaa lagu isticmaali doonaa dhinacyada nabadgelyada, garsoorka, dawladda iyo waxbarashada. Laakiin xisbiga  mucaaridka ah DF ayaa qaba, in wasiiraddu ku khamaarayaan malaayiin krone oo ah lacagta cashuurbixiyayaasha dalka u dhashay, taasoo ay u dirayaan Afrika.
Muddo yar gudaheed ayaa wasiirka horumarintu u diray lacag badan oo cashuurbixiyayaashu leeyihiin dalalka Zimbabwe iyo Uganda, haddana waxay ku dareen Somalia. Waana arrin qalad ah, ayuu qabaa Mr.Hans Kristian Skibby.
Baahiyaha degdegga ah ayaa laga wada hadlayaa.
54 ka mid ah dalalka dunida iyo ururada caalamiga ah ayaa ka qaybqaatay shirka, waxana lagaga wada hadli doonaa sidii loo xasilin lahaa Somalia, loona sii socodsiin lahaa horumarka hadda jira.
Waa markii kowaad ee beesha caalamka oo wadajir ahi siyaasiyan ula kulanto dawlad soomaaliyeed ee lagu doortay Muqdisho. Lacagta Denmark ku yaboohday maaha 75 million oo Dollar, sida warbaahinta Somalidu qortay….Waa 75 Million oo Danish krone ah, Waxay noqonaysaa ama u dhigantaa lacagtaasi 13.5 Million Dollar.
 
Source: DR (Danish Radio)
Af-hayeenka Xisbiga Wadani Laantiisa Denmark.
By: Osman Abdillahi Sool….Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com