MUDAHARAADO ISU BEDELAY GACANKA HADAL IYO CIIDAMADA RRU OO SI XUN DADKA U XASUUQAY

Mudaharaadkan ayaa sii balaadhay islamrkaana u eeg mid imika kusii fidaaya magaalada

image

Burco(SM)Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer waxaa maanta ka dhacay Mudaharaad balaadhan kaasi oo ay dhigeen Gaadiidlayda loo gaar ahaan kuwa Iskarogooyinka, kuwaas oo ay dowlada hoose ee magaalada Burco amar ku siiyey inay Ciida kasoo guraan meel ka fog magaalada, balse ay taasi biyo diideen masuuliyiinta gaadiidlaydani.

 

Ka dib markii ay gaadiidkoodii soo hortubeen dowlada hoose ayaa booliska waxaa ay darawaliintii u taxaabeen jeelka sidoo kale waxaa meeshii soo buuxiyey dad isugu jira shacabka magaalada iyo waliba Ardaydii kasoo rawaxday isguulaadka, inyar ka dib waxaa meesha soo gaadhay Ciidanka RRU kuwaas kuwaas oo isla daqiiqadiiba Rasaas ooda kaga qaaday dadkii iyo shacabkii halkaasi ku sugnaa, Waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare nafeed ka dib markii ay Rasiistii ay rideen ciidanka RRU ay ku dhacday wiil shicib ah oo waliba sida la sheegay ka mid ahaa Bahda waxbarashadad uu halkaasi ku geeriyooday iyadoo maskaxdiisii laga uruuriyey dhulka.

 

Shacabka aya amarkii ay arkeen maydka wiil gadooday iyagoo lasoo saftay Gadiidlaydii markii horeba waday Mudaharaadka, waxaana ay xaaladu isku shareertay cirka, Mudaharaadkii ayaa kasii xoogaystay sidii hore waxaana dab la qabadsiiyey oo la gubay Taayiro iyadoo la xidhay wada hormarta dowlada hoose ee burco, Mudaharaadayaashu waxaa ay markii danbe isku shubeen Xarunta maamulka gobolka halkaas oo qas ka dhaliyeen .

 

Dhawaaqa rasaaata isdaba joogaa ayaa la maqlaayey koonayaasha magaalada, waxaana iyadoo dadka ku abuurtay fajiciso iyo layaab, lama garanaayo sababta keentay dalabka Ciidamada RRU ee ay shacabkii aan rabshada wadin ugu fureen rasaasta, waxaana ay xaalada magaalada burco imika tahay mid cakiran lama se garanaayo halka ay ku danbayn doonto.

Xigasho Burco Online

Kaysal Maxamed daahir

Burco