Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Maanta La Hor Keenay Mooshin Ku Saabsan Xeerka Caasimada

(Sm-Hargeysa) Fadhigii golaha wakiilada Somaliland ee maanta oo uu shir gudoominaayey gudoomiye ku xigeeenka Koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe maxa,ed Faarax  ayaa waxaa maanta loo qaybiyey Xeerka booliska oo ay soo dhamaystireen gudidii gacanta ku haysay .

Dhinaca kale waxaa maanta loo qaybiyey Mudanayaasha golaha wakiilada somaliland xeerka Statistics-ka Oo Hore ay u ansixiyeen mudanayaasha golaha wakiiladu isla markaana loo qaybiyey golaha guurtida Somaliland xeerkani ayaa ay mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxay ku sameeyeen wax ka badal.

 

 Intaasi ka dib guddoomiye baashe waxaa uu sheegay in golaha la hor keenay  mooshin ku saabsan xeerka caasimada loona gud-biyey La taliyaha sharciga ee golaha wakiilada isla markaana uu sharci yahay .

 Intaasi ka dib waxaa mooshinka akhriyey Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ahaa mudanayaashii watay mooshinka .

 

 Salaanmedia/hargaysa