“Mudane Saleebaan Waxaan U Sheegaynaa In Aanu Shirkan Qaran Ee Aanu Ku Baaqnay Aanu Ahayn Kii Gar-adag Oo Kale” War-saxaafadeed Xisbiga UCID.

“Mudane Saleebaan Waxaan U Sheegaynaa In Aanu Shirkan Qaran Ee Aanu Ku Baaqnay Aanu Ahayn Kii Gar-adag Oo Kale” War-saxaafadeed Xisbiga UCID.

Hargeysa(Ramaas) May 05, 2013- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa Naqdiyay hadal shalay ka soo yeedhay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleeban Maxamuud Adan,oo shalay ku gacan saydhay shir uu todobaadkii hore ku dhawaqay Gudomiya Xisbiga UCId Eng:Faysal Cali Warabe,war-saxafadeed ay soo saareen Gudida fulintu waxa uu u dhignaa sidan.

Annagoo tixraacayna hadalka ka soo yeedhay Gudoomiyaha Guurtida 4tii bishan Mudane Sulaabaan M. Aadan oo uu kaga horjeeday shirkii Qaran ee aanu baaqnay oo aan ahayn Shir beeleed.

Gudoomiyaha waxa uu caddeeyay inuu bad-baadinayo dan beeleed balse Xisbiga UCID waxa uu u taagan yahay ilaalinta jiritaanka Qaranimada JSL, dal iyo dad iyo dad wada jira, Mudane Saleebaan waxa aanu u sheegaynaa inaanu shirkan Qaran ee aanu ku baaqnay aanu ahayn kii Gar-adag oo kale.

Waa ayaan darro inuu 80 jir siyaasiyi kala garan waayo Shir Qaran oo wada tashi ah iyo shir beeleed. Markaa maaha inuu Saleebaan xajiimeeyo Xisbiga UCID, ayadoo Guurtidu gabtay hawlahay u xil saarantahay ee ka mid tahay arrinka Saylac, Sool iyo Sanaag.

Dastoorka Qaranka waxa ku cad Kursiga uu ku fadhiyo Saleebaan inuu yahay ninka Saddexaad ee JSL ee salaanta Qaran la siin karo. Marka uu saleebaan leeyahay annagu maxaanu qabanaynaa shacabka ha u caddeeyo ula jeedada uu ka leeyahay.

Sidaa darteed waxa aanu leenahay inuu Saleebaan Ka waantoobo tallada Dalku waa Taayada.”

 

Guddida Fullinta ee Xisbiga Caddaalada & Daryeelka UCID