Munaasibad Si Cajiiba Losoo Agaasimay Oo Lagu Xusaayay 11-Guraadii Ka Soo Wareegtay Geeridi Marxuum Maxamed X. I. Cigaal, Ayaa Ka Dhacday Hargaysa. Daawo Sawirada

(Sm Hargaysa) Munaasibad si heer-sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey 11-guurada ka soo wareegtay markii uu geeriyooday Allaah ha u naxariistee Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Jimcaha maanta ku beegnayd.

Xuska Munaasibadda 11-guurada loo sameeyey Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Taariikhda Somaliland ku suntan, ayaa caawa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, taasoo ay ka qaybgaleen Qoyska iyo Ehelada Marxuum Cigaal oo ay ugu horreyso Marwada uu ka tagay Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Kaltuun Xaaji Daahir, Masuuliyiin ka kala socday Xukuumadda, Xisbiyada Qaranka, Siyaasiyiin, Culimo, Aqoonyahaniin, Xildhibaanno Golayaasha Baarlamaanka ka tirsan oo uu ka mid ahaa Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraabe), Qurbo-joog, qaybaha kala duwan ee Bulshada, Abwaaniin, Fannaaniin, Madax-dhaqmeed iyo dadweyne kale oo fara badan.

Cabdiraxmaan Yousuf Ducaale (Boobe) oo Ka mid ahaa Guddida Qaban-qaabada Xuskaan oo furitaankii  Munaasibaddaas ka hadlay, ayaa uga mahad-celiyey Cid kasta oo gacan ka geysatay qabsoomidda munaasibaddaasi oo ay ka mid yihiin Maansoor Hotel, Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, Dahabshiil iyo Hay’ado kale oo tiro badan. Waxa kale oo uu halkaasi ka akhriyey qaar ka mida Khudbadihii ugu muhiim sanaa ee lagu xasuusan doono Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo uu kaga hadlayey halka ay gaadhsiisan tahay Qarannimada Somaliland oo ay ka  mid mihiin khudbado uu kula hadlayey Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo uu kula hadlayey shacabka reer Somaliland.

Waxaa Kale oo halkaa ka hadlay Xaaji Cabidkariin Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-Waraabe) oo ku hadlayey Afka Golaha Guurtida Somaliland, waxaanu  yidhi; “Maxamed Xaaji Ibraahiin Xigaal waxaa uu ahaa  ninkii dhidibbada u taagay  dawladdanimada Somaliland, tacab badan ayuu geliyey sidii ay halkan u soo gaadhi lahayd dawladanimadu.” ayaa uu yidhi Xaaji Cabdi-Waraabe, oo ku dheeraaday waxqabadkii Marxuum Cigaal muddadii lagu jiray Halganka dib-u-ula soo noqoshada Madax-bannaanida Somaliland illaa maalintii uu noqday Madaxweynaha Somaliland.

Waxaa kale oo Xuskani Baroor-diiq-da ah ee loo sameeyey Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ka hadley Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, kaasoo Munaasibadda Xuska ka jeediyey hadallo kooban, waxaanu sheegay inuu Marxuum Cigaal ahaa Halyey ay tusaaleyaal badani ku gedaannaayeen, wax yaabihii laga dhaxlay. Waxaanu Samaale xusay in markii uu Seeska u dhigay Jamhuuriyadda Somaliland noqotay Qaran dhismay. “Waxaynu ugu abaal-gudi karnaa Marxuum Cigaal  innaga oo u ducayna. Qarankan uu dhidibbada u  taagayna ilaashanno nabaddaa aynu haysanno Maanta sii adkaysannaa.” Sidaa ayaa uu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey musaabaddan lagu xusay 11-guurada ka soo wareegtay geeridii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, ayaa ku dheeraday taariikh Nololeedkii Marxuunka isagoo si gaara ah u tilmaamay Waqtigii ay jirtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya oo ay dhibaatooyin badan ka soo mareen. Waxaanu ka warramay doorka uu ku lahaa Qarankan, waxaanu yidhi; “Marxuumku wuxuu ahaa nin aragti fog leh maanta intaa yare e aynu haysanno ee nabadda ah, isagaa innoo keenay Illaahay ka sokow. Allaah ha u naxariistee Marxuum Cigaal waxa uu ahaa nin firfircoon oo yaraan ku bilaabay siyaasadda, dhammaanteenna Illaahay ha innaga siiyo Samir iyo Iimaan.”

Wasiirkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha dawladdii Madaxweyne Marxuum Cigaal oo ahaa Axmed Xuseen Oomane, ayaa ka mid ahaa dadkii Xuskaasi ka hadlay, isla markaana waxa uu si fiican u sharraxay aqoonta iyo khibradda Siyaasadeed ee uu lahaa Marxuum Cigaal ee uu ka arkay muddadii ay wada-shaqaynayeen ee uu Wasiirrada Xukuumaddiisa ka tirsanaa.

Mudadii Ay Soo Wada Shaqeeyeen wax yaabaha uu ka xasuusto waxaanu yidhi; “Cigaal waxaan la soo shaqeeyey Sagaal sano, Sagaalkaa sano waxay ahaayeen  sagaal sano oo adag oo nin  adag moooyaane nin kale aanu ka bixi karayn oo aanay jirin haykal dawladnimo, waxaanu suurto-geliyey in aynu soo gaadhno halkaa aynu maanta joogno, Macallin baanu noo ahaa Annaga, waanu naga aragti horreeyey.”

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna ka mid ahaa Masuuliyiintii halkaa ka hadlay, waxa uu sheegay inay taariikhdu leedahay muhiimad  ballaadhan oo mudan in aad loo ilaaliyo. “Ummadda xilli aad u adag oo dunidu innaga soo hor-jeedo ayuu Waddankan soo hoggaamiyey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Illaahay ha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa Raggii dhaliyey  Xorriyaddii ay Somaliland ka qaadatay Ingiriiska. Wuxuu ahaa nin aragti dheer, dalkana wax badan ayuu ku soo taray muddadii uu Xilka hayey. Waxaynu ku xusi karnaa in aanu Sandaqad ka Dhisan aduunyada. Adduunyada Nin Guryo ka dhistaa Taariikh kuma yeesho, waxaynu tari Karnaana waxa weeye in aynu taariikhda ilaalino, Illaahay Janadiisa ha ka waraabiyo.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka tirsan Qoyska Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ay ka mid ahayd Marwadii uu Marxuumku ka tagay Kaltuun Xaaji Daahir iyo Sucaad Carmiye oo uu Soddog u ahaa Marxuum Cigaal, kuwaasoo si weyn ugu mahad-celiyey Masuuliyiinta iyo dadweynaha kala duwan ee ka soo qaybgalay munaasibadda lagu xusayey 11-guurada ka soow wareegtay markii uu Allaah ha u naxariistee Marxuumku geeriyooday 03/May, 2002 maalinnimo Jimce ah, iyada oo Maantana ahayd maalin Jimce ah oo ay bisha May 03 ahayd sannadkan 2013-ka.

Waxa kale, oo halkaa lagu soo bandhigay Muuqaal uu soo diray Cali Maxamed Xaaji Ibraahin oo ka mid ah Wiilasha uu dhalay Allaah ha u naxariistee Marxuum Cigaal oo ku nool magaalada Dubia ee waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaasoo u mahad-celiyey guud ahaanba cid kasta oo ka qayb-qaadatay qaban-qaabada iyo ka qaybgalka Xuska 11-guurada Aabbihii loo sameeyey.

Xigasho Stoday