Muwaadin Jaamac-Jiir Oo Xorriyadiisi Dib Loogu Soo Celiyey

Muwaadin Jaamac-Jiir Oo Xorriyadiisi Dib Loogu Soo Celiyey,Kana Waramay Xadhigiisi Iyo Inuu Qoraalada Iska Daynayo Iyo In Kale. 

225715_657517234274527_891394993_n
Hargeysa(HWN):-Jaamac Cilmi Siciid (Jaamac Jiir) ayaa maanta xorriyadiisi dib loogu soo celiyey, kadib markii uu jeelka-weyn ku xidhnaa muddo 38-cisho. 

Soo deynta Jaamac Jiir ayaa ka danbeysay,kadib markii uu iibsaday Xadhigii iyo ganaaxii lacageed ee ay maxkamadu ku xukuntey oo ahaa lix bilood oo xadhig ah iyo lix boqol oo kun oo shilinka Somaliland-na.

Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan Bahada Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Xaruntooda Magaalada Hargeysa ayaa la kulmay markii la soo daayey muwaadinta lagu xidhay qoraalka uu qorey, isla markaana ka wareystey waxyaabo baddan. 

946497_657517627607821_1152872807_n

Aqoonyahan Jaamac Jiir oo aan weydiiyey dareenkiisa, maadama xorriyadiisi dib loogu soo celiyey waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxaan u manadnaqayaa Warbaahinta kala duwan ee aan u kala hadhin halgankaa la igu soo daayey, waxaan ka hadlaya rayigayga oo aan xaq u leeyahay inaan sheego wixii khaldan, horena wax ayaan u qori jirey imikana waan qorayaa wixii khaldan oo waan sheegayaa kamana hadhayo, haddii aan wax kasta la kulmayo”. 
“Waxa igu dhacay lix boqol oo kun oo Shilinka Somaliland ah oo ganaaxa iyo lix bilood xadhiga oo cadaalad darra oo aanay jirin wax allaaliyo wax aan ku kasbaday, taas oo aan leeyahay muwaadiniinta xaqa sheega, kuwa ku xidhan cadaalad daradana waxaan leeyahay mar ayaad soo bixi doontaan oo aad hawada iman doontaan, waayo hadaad xaqa u hiilisid ILAAHAY iyo ummada ayaa ku garab istaagaya oo ma iilanaysid,laakin haddii aad istidhaahdo cadaalad darada waxba ha sheegin ama waa lagu xidhayaa ama waa lagu dilayaa waxa kugu dhacaysa masiibo adduunyo iyo mid aakhiiro, markaa waxaan leeyahay wixii dhaliila waan sheegayaa oo waan qorayaa xadhigan lay xidhayna kuma baqayo mid danbaba”.Ayuu yidhi Jaamac Jiir. 
Mar aanu weydiinay Aqoonyahan Jaamac Jiir waxa uu ku kasbaday xadhiga iyo gaanaxa lacageed ee ay maxkamadu ku xukuntey ee uu sameeyey, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxa I xidhay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo markii aanay talada waddanka qabanin ku ololeyn jirtey xorriyatul-qawlka iyo Warbaahinta waanu garab istaagi doona, maantana xaaladu ay tahay car juuq dheh ayaan korka u saarayaa inay xadhiga cadaalad darada ah igula-kacday. Waxaan leeyahay madaxweynaha waxa idin kala dilaya adiga iyo umaddii intaa kugu xeersan oo dadkii ka horkeenaya si laguugu kaco”. 

Sidoo kale, Mar aanu Jaamac Jiir weydiinay bal inuu xasuusto qoraalada uu qorey ee uu xadhiga ku muteystey kuwa ay yihiin, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Haa waan xasuusta oo waxaan qorey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo u qeybsan sadex Wasiiro maafiya ah, Wasiiro malafsadayaal ah oo uu damacu ka horeeyo iyo Wasiiro wadaado ah iyo Barlamaanka Somaliland oo ah jiifo-jaq oo shacabkii soo doortey wax allaaliyo wax ay u qabanayaan aanay jirin oo iyagu iska korodhsanaya oo iyagu danaystayaal ah ayaa laygu xidhay”. 

Mar aanu weydiiyey Jamaac Jiir maadama lagu xidhay qoraal uu qorey inuu halkaa ku joojinayo iyo inuu qoraaladii halkaa ka sii wadayo, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Halkaa ku joojin-maayo ee waan sii wadayaa oo waan sii laban-laabayaa, weliba aniga oo ku adkaysanaya mucaaridnimadayda oo ah inaan wixii xaq ah sheego wixii cadaalad darro ah ee musuqmaasuq ah ee dalka ka jirana sheego”
Waxa kale oo aan weydiiyey Jaamac waxa maanta lagu soo daayey ee xorriyadiisi dib loogu soo celiyey, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxa xorriyadeydii laygu soo celiyey oo aan iibsaday Xadhigii iyo ganaaxii lacageed ee ay Maxkamadu igu xukuntey, lacagta dollarka ah ee la bixiyey waxay gaadhaysa ilaa $600 (Lix boqol oo Dollar). 

Xigasho Hadhwanaag news