Nuxurka Khudbadii Uu Mujaahid Cabdiraxman-Tuur Jeediyay Maalintii Lagu Dhawaaqay Qaranimada Somaliland 18 May 1991

Maxaad ka xasuusataa khudbadii Cabdiraxmaan Tuur ee Shirkii Boorama…Daawo Video

Nuxurka Khudbadii Uu Mujaahid Cabdiraxman-Tuur Jeediyay Maalintii Lagu Dhawaaqay Qaranimada Somaliland 18 May 1991

Hargeysa(Sm)-Guud ahaan gobolada Somaliland waxa 18 May oo Sabtida ku beegan looga dabaal degayaa sannad guurada 22aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland oo magaalada Burco lagaga dhawaaqay shirweyne ay isugu yimaadeen Beelaha Somaliland 18 May 1991.

Dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, waxa ay ka dambaysay halgan qadhaadh oo Ururkii SNM oo taageero ka helayay shacbiga ku dhaqan dalkan, la galleen dawladii keli taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, ka dib markii uu tacadi, xasuuq iyo dhibaatooyin kale kula kacay shacbiga Somaliland.

Shirweynihii 18 May 1991, lagaga dhawaaqay Somaliland, waxa lagu dhisay xukuumadii u horaysay ee Somaliland, halkaas oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen loogu doortay Mujaahid Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenkii Ururkii SNM ee dalka xoreeyay, kuwaas oo muddo laba sanno ah hoggaaminta Somaliland loogu doortay si ku meel gaadh ah.

Haddaba, sida wargeyska Geeska Afrika caadada u ah, sannad kasta marka loo dabaal degayo xuska 18 May, wuxuu akhristayaashiisa u soo bandhigaa khudbadii uu Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) ka jeediyay munaasibadii lagaga dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland, 18 May, 1991, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay.

“Sidaa uu idiin sheegay Mujaahid Ibraahim Meygaag Samatar galabta oo Burco la Joogo waxa uu golaha dhexe ee SNM go’aansaday in waqooyigu gooni isu taago oo uu samaysto dawlada madax banaan. Taasina ma aha wax ku kooban golaha dhexe ee waxa uu ka turjumayaa dareenka dadka ku nool Waqooyiga, waanad la socoteen shirarkii u socday dadka waqooyiga.

Ummaddii way shirtay waxaanay gaadheen tallooyin waaweyn, Golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in waqooyigu gooni isu taago taas macnaheedu maaha in colaad cadaawe iyo calool xumo ay jirayso koonfur iyo waqooyi, waxaanu annagu diyaar u nahay maamulka Golaha Dhexe iyo ummadda waqooyiga ku nool in walaalahayaga koonfureed la yeelano cilaaqaad wanaagsan oo walaaltinimo ah oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed ka wada hadli kara.

Annaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaanyihiin iyada oo ay dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo dawladaha kale ee aanu jaarka nahayba. Sidaas ayaanu annagu jecelnahay waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga koonfurta inay iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana waxa dhibaato ah u lahayn, waxaan Eebe ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara.”

Waxa iyaguna halkaas khudbado ka jeediyay Madaxweyne xigeenkii dawladaas u horaysay ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac oo ahaa guddoomiye xigeenka SNM iyo guddoomiyihii golihii wakiilada ee u horeeyay Mujaahid Ibrahim Maygaag Samatar oo Alle haw naxariiste ahaa guddoomiyihii golaha dhexe ee SNM, waxaana maalintaas ka soo wareegtay 22 sannadood, waxaanay inkastoo aanay Somaliland ictiraaf ka helin beesha caalamka, haddana ay soo ceshatay xorriyadeedii, waxaanay shacabkeedu ku naaloonayaan nabad, horumar iyo Dimuqraadiyad.

Geeska