Home Wararka Orodyahanka Reer Britain Mo Farah oo ka hadlay qadiyada shirka London,si weyna...

Orodyahanka Reer Britain Mo Farah oo ka hadlay qadiyada shirka London,si weyna u taageeray

Orodyahanka Reer Britain Mo Farah oo ka hadlay qadiyada shirka London,si weyna u taageeray—-

Maxamed Faarah oo Soomaalida fariin u direy ku wajahan shirka Somalia ee 7 May

Hargeisa-()-Orod-yahanka caanka ah ee Reer Britain,hase yeeshee asal ahaana ka soo jeeda Somaliland MO Farah  ayaa markii u horeysay ka hadlay Arimaha Siyaasada Somaliya iyo shirka London , MO Farah wuxuu cabiray ,aragtidiisa oo siyaasadeysana ka dhiibtay shirka London ee Dawlada Britain ee uu u ordaa gadhwadeenka ka tahay.

 

Muqaal Fiidiyow oo ku saabsan shirka London oo ay wasaarada arimaha debeda iyo barwaaqosooranka ingiriiska ka duubtay orodyahanka caanka ah ee MO Farah ayey ku baahisey Website-keeda.Fariinta Muqaalkaas laga duubay Mo Farah ayaa wuxuu kaga hadlayaa siduu ku tegay dalka Britain iyo sida noloshiisu markii danbe isu-bedesahay.

Isku soo wada duuboo MO Faarax wuxuu fariintiisa ku sheegay inuu taageersan yahay ama jecel yahay inuu arko Soomaaliya dib ugu soo noqota midnimadeeda iyo siday waayo- waayo ama waayo hore ahaan jirtay.

Xigasho Qarannews