Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Prof. Samatar Oo Sheegay in la joogo xiligii caalamku dhegaysan lahaa Somaliland

Prof. Samatar Oo Sheegay in la joogo xiligii caalamku dhegaysan lahaa Somaliland

May 10th, 2013

“Axmed Ismacil Samatar Oo Ka Baxay Xubinimada Iyo Arimo Kale Oo Uu Ka Hadlayo” Wareysi

USA (SM)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah balse 22-kii sano ee ay jirta Somaliland si wayn u aaminsanaa mabda’a Somaliweyn oo mudooyinkan u muuqday mid ka soo dabcay halkii uu taagnaa ayaa sheegay inuu cadaawad badan dhaxal-siiyey garawshiyo uu hore uga bixiyey rabitaanka iyo dadaalka shacbiga Somaliland, kaas oo tilmaamay in dacaayado raqiis ah laga fidiyo.

Prof Samater waxa uu sheegay inaanu shaqsiyan diidanayn Midow danbe oo Somaliland iyo Somalia mar kale dhexmara, balse uu go’aansaday in imika wixii ka danbeeya uu ka shaqeeyo sidii beesha Caalamku u dhagaysan lahayd Qadiyadda Somaliland oo uu si adag u qiray inay dunidu ka dhago adaygaysay mudo dheer.

Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samater waxa uu sidoo kale ka waramay sababta uu Somaliland u iman waayey mudadii ay jirtey, kaas oo meesha ka saaray in loo diiday inuu dalka yimaado, tibaaxay inuu isagu markii hore diidanaa inuu yimaado, balse uu imaka uu go’aansaday inuu dalka yimaado. Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu ka hadlayey Dood aqoonyahano Soomaalid ah loogu qabtey Magaalada Minnesota ee Cariga Maraykanka. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya gooni isku taaga Somaliland, waxa uu yidhi “Hadii ay Somaliland sidaa ku tagto oo aanu ku baxno aduunyaduna Aqoonsato, waxay u noqonaysaa Tusaale Soomaalida kale oo dhan, isla markaana wadadaas hadii la furo Fardihiii kalena markaa way soo baxayaan oo markaa marka waxa ku jira hadii ay Somaliland rabitaankeedaas ku guulaysato faa’ido iyo khasaare-ba way leedahay. Mida kale aniga waxay iila muuqataa hadii Somaliland iyo Somalia ay miiska wada-hadalka soo fadhiisteen inay Muftaax tahay oo hadii ay sidaas Somaliland ku go’dana ay furmayaan daaqado badan, hadii ay dib u soo noqdaana albaabka kala qaybsanaanta Soomaalidu uu xidhmi doono maadaama oo kuwii ugu fogaa ee waqooyigu ay soo noqdeen”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlayey sababta uu Somaliland u iman waayey, waxa uu yidhi “Waligay Cidi iimay diidin inaan Somaliland tago, anigaa diiday inaan tago ee taas sidaas ha la fahmo. Somaliland doodaha waawayn ee yaala gudaheeda ee taagan ama soo socda ee laga hadlayo way badan yihiin laakiin anigu waxaan taageersanahay in dadkaas Somaliland way dadaaleene oo waxbay qabsadeene ha loo qiro waxay hagaajisteen. Mida kale waxyaabaha qaarkood hadii ay muran galaan waa mushkilad”.

Prof. Axmed Ismaaciil mar uu ka hadlayey halka uu ka taagnaa Midawga Somalia 30-kii Sano ee ugu danbeyey iyo sida uu u arko gooni isku taaga Somaliland, waxa uu yidhi “Anigu 30 sanadood ayaan ka hadlayey Qoomiyada iyo Midowga Ummadda Soomaalida inaan laga tagin, isla markaana dadka shalay dhashay ama siyaasada soo galay ee meelahaas Sarifka ka wada way ogyihiin inaan 30 sanadood Midowga Somalia inaan ku dagaalamayey oo kuwa meelahaas wax ka wad-wada aan ku lahaa waar naga daaya. Aniga oo aan Midowgii ka tagin oo aan diidanayn inay Soomaali isku soo noqoto, hadana maanta waxa aan joogaa oo aan soo gaadhay meel aan doonayo Qadiyadii dadkii reer Somaliland aduunyadu inay sii wanaagsan u fahanto, mana ah mid gooni u socota oo Isaaq-aysan ama Dir-eysan oo waanu wada degnaa Waqooyi oo qabaa’il badan ayaa wada degan Waqooyiga. Hadii la fahmo anigu waxa aan aaminsanahay inay wax ku soo kordhin karto heshiisiinta ummadda Soomaalida”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Waxa aan ka qayb-galay 30-kii Sanadood ee ugu danbeeyey Shirar Soomaaliyeed oo aad u tiro badan, isla markaana 20-kii sano ee ugu danbeeyey reer Somaliland way qaylinayeen oo waxay lahaayeen waar anaga xanuunkeedii wuu naga ba’ay oo gooni ayaanu u baxnay. Shirarbaan ka qaybgalayey mudadaasi Walaahi caawa waan dhaaranayaaye inaanan wali ka qaybgalin shir mar uun lagaga hadlay ama lagu soo qaaday ama lagu dhagaysanayo oo banaanka lagu soo dhigay arimaha Somaliland oo la leeyahay waar nimanyahow dadkaasi waxbay qabsadeene ha loo qiro waxay qabsadeen, markaa Walaahi aniga ayey igu kaliftaa mar walba inaan ka hadlo arintaasi”.

Prof. Samater mar uu ka hadlayey Cilmi baadhis uu xaqiiqada Somaliland ka jirta ka sameeyey, waxa uu yidhi “Anigu waxaan aaminsanahay Somaliland wadankii la odhan jiray oo aan ahayn wax imika la sameeyey oo ah wax hore u jiray waxaan qabaa waxna ka qoray isla markaana baadhis ku sameeyey wax badan oo wanaagsan inay Somaliland qabsatey oo ay aduunyaduna u markhaati furayso oo ay ku odhanayso Soomaalida cadaalada iyo runta jecelina ay u markhaati furayso, ayaan hadana qabaa inay wax badanina ka dhiman yihiin waxbadana ay qabsadeen. Markaa waxaan leeyahay waar waxaas wanaagsan ee ay qabsadeen reer Somaliland ha loo qiro oo garawshiyo ha laga bixiyo, iyaguna ha is hagaajiyaan oo aan ka mid ah dadka halkaas ka imid oo waxaan leeyahay wixii khaldana ha la saxo.”

Salaanmedia/Hargaysa




Leave a Reply