QURBE…Gabay

14 / 2 /  2001

QURBE

===  =======

Qiiro  iyo  xanuun  taagan

Qurbihiyo  dhib  tiisaa  leh

Qawad  iyo  abaar  taa  leh

qasab  iyo  ku  socod  kaa  lah

qushi  iyo  is  yeelyeel  leh

qasaariyo  illawshaa  leh

.

Ummad  kala  qaloo  naysa

Qolo  waliba  gaar  keeda

Ka qashaaf  ciddii  kala leh

Qaab ka  sare  isku  midweeye

Qiyaamiyo  tabtood  wee  ye

Hoostana  qabbaa  taalla

.

Cunsuriyad  qarsoon  weeye

Qosol  kaa  ah  been  weeye

Quruboo  u  hees  weeye

Quud kiyo  masaariif ta

Qofnna  yaanu  gaajoonin

Qorshahaaga  dumintiisa

Quful  iyo  falka  weeye

.

Ubad kaaga  qaybsiinta

In dhulkaagu  qarax  uu  yay

Qoomamada u weyn  weeye

Qaawanaantu  ceeb  maaha

Qajilaaddu  maba  taallo

Qusur kaa  dahsoon  weeye

Macaan kaa  qadhaadh  weeye

.

Maatida  qarsada  weeye

Qosolkaa  haween  weeye

Ragna  qiiradii  weeye

Dhalin  yara  qalkaa  weeye

Qaxar  aan  dhammaan  weeye

Waa  yeel  qaderin  tiisa

Qiimaha  ka dila  weeye

.

Quruxdiisa  foolxuma  dheh

Qasnadiisa  buux madhan  dheh

Doog  iyo  qallayl  kaa  dheh

Xeer  wacan  halkii  qaadda

Iyo  wada  qaloo  caa  dheh

Qalin  iyo  waraaq  weeye

Ballan  iyo  qisaas  weeye

.

Qiraal  aan  caddayn  weeye

Qabyo  aan  dhammaan  weeye

Qoofal  iyo  shakaal  weeye

Qarad  laha  ammaan  weeye

Wax  qarsoon  hagaran  weeye

Quudhsiga  ku  faan  weeye

Qaraamaad  dhan  kaa  weeye.

.

Qoon  aan  lagaran  weeye

Qaxa  hawlihii  weeye

Habsan  kaa  qayaxan  weeye

Qaran  kaagiyoo  baahan

Qoysas  kiiniyoo  ooman

Uqabbaan  cid  kale  weeye

Qotadeeda  maansaduna

Qaali  iyo  jirriin  kaagu

Orod  qabo  dhul kii  weeye

Ciidaadi  qodo  weeye

Shacab  kaaga  qaran  nimada

Sharcigiyo  qaddarin  tiisa

Noloshana  u qeex  weeye

.

Qabqablaa  iska  horkeena

Qarxiyaha  ku  laaluushan

Ka  qaboo  udiga  wee  ye

Macdan  tiisa  qawdiidda

Qarka  buurta  wada  saran

Cilmigaagan  kugu  qaadhsan

Qawyada  ku  baadh  weeye

Inta  xoolo  laga  qaatay

Gumaysiga  dhulkaw  qaydan

Qalin  kaaga  ugu  raadi

.

Ka qurbaha  u yara  baahan

Qaad  cunoo  ku  muran  maaha

Mafrish  qayladii  siyo

Qiiq  iyo  xanuun  maaha

Qaadiro  la  ciir  maaha

Qudhmis  iyo waxaa  huursan

Quraarada  agtood  maaha

Qalwadiyo  bab kaa  maaha

.

Waa  guntiga  saruu  qaado

Qarash  iyo  adduun  raadi

Ama  qaybta  kale  dooro

Qoraal  iyo  tacliin  barasho

Quwad  iyo  kalsoonaan  leh

 

(ALLAHAYAW )  NAGARAN  SII

 

WAA  . MOHOLIN