“Reer Axmed Dhagax Waxay Ahaayeen Dadkii U Dagaalamay Qaranimada Somaliland..”

“Reer Axmed Dhagax Waxay Ahaayeen Dadkii U Dagaalamay Qaranimada Somaliland..”

May 17th, 2013 Hargeysa (SM)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa ka Hadley wararka sheegaaya in labada Xildhibaan Cali Xasan Maxamed(Cali Mareexaan) Iyo Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeye) ay qaateen mashruuca dib u dhiska guriga martida ee Gobolka Togdheer.

Xildhibaanku waxaa uu sidaasi ku sheegay Waraysi Gaar Ah Oo uu Siiyey Shabakada Wararka ee Somaliland Tody.Com, Xildhibaan Nac-nac oo arrimaahsi ka hadlayana wuxuu Yidhi ”Waxaa la noo quudhi la yahay shaqada aanu Qaranka u hayno, iyo dad-nimadayada wanaagsan, Labada Xildhibaan waxay u safreen oo hadda Jabuuti ugu sugan yihiin garonka Burco oo ay qadhaankiisa wadaan, waliba annagu Hargaysa ayaanu nahay oo nalaga soo doortay, haddana iyagoo arrimaha Burco wada ayaanu tageersanahay, warkaas war baahinta qaar qoreen ee aad i waydiisayna waxba kama jiraan waana been wuxuu lamid yahay E Basaboorkii hore loo yidhi way qateen, qof gaadhi wayay ayuunba iska daba dhiganaya.” Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa markale yidhi.

“Xitaa waxaan ku dhaaran karaa in aanay waxba ka faa’iidin, wax kaga baxa mooyiye danta Qaranka.” Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) waxuu sidoo kale si faah-faahsan uga Hadley doorkii reer Bali-gubadle ku lahaayeen dib u xorayntii Somaliland. Xildhibaanka oo arrimaahasi ka hadlayaana waxaa u yidhi.

”Xaafadda Axmed Dhagaxa iyo shacabka rer Baligubadle, waxaad moodaa in ay barigii dhawayd ee doorashooyinka ay wax yara tabteen, lakiin waxaa ay ka mid ahaayeen dadkii u soo dagaalamay Qaranimda Somaliland waxaa maalin qudha Hargaysa kaga dhintay 500 oo qof kaligood taasina wax la ilaawi karo maha, Maantase waxay qaybtooda ka qadanayaan qaranimada aadna way u taageersan yihiin Ictiraaf raadinta uu wado Madaxweyne Axmed Siilaanyo “ Sidoo kale wuxuu Waraysigaas kaga hadlay Xildhibaan Nanac diyaar garowga 18-May, oo bari loo dareeri doono isagoo kamid ah guddida qaban qaabada ee heer Qaran.

Salaanmedia/Hargaysa