Sacuudiga oo lacago badan ku bixiyay sii deysamada shaqaale gacanta ugu jiray burcad badeeda Somalia

Kampala(SM)Ganacsade Sacuudiyaan ah o lagu magacabo Geyth Rishad Fircon ayaa shaca ka qaaday in uu bixiyay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 2.6milion oo dolarka Maraykanka kaasi oo la siiyay koxda burcad badeda Somalia si loo sii daayo shaqaalaha markabka MF Balida ee laga leyahay wadanka Al-jeeriya oo ay qafaashen bishi November sanadii 2011.

 MV-Blida

Jariidada al-Nahar ee kasoo baxda wadanka Al-Jeriya ayaa sheegtay in koxda burcad badeda Somalia ay dalbaden lacago gaaraya 2milion 600-kun oo dolarka Maraykanka.

Marakabkaasi ayaa waxa ay burcad badeda ka afduubteen konfur bari degada Salalah ee wadanka Cumin waxana ay kusii jeeday magalada Daari Salam ee wadanka Tansaniya sida laga soo xigtay ciidamada bada Midowga Yurub.
Milkiilaha markaabkaasi ayaa ka warbixiyay sii daysmada shaqalaha markaabkasi waxana uu sheegay in shaqalaha ay bad qabeen.
Koxda burcad badeda Somalia ayaa waxa ay weerar afduub ah ay ka sameeyaan xeebaha wadanka Somalia iyadoo sanadani aysan qaadin weerar ay ku afduubteen markab ku socdaalayay bada India.

 

xafiska wararka ee web ka calaamiga 

ee salaanmadia

uganda/ kampala