Beesha Ciidagale Weyne oo shir Ay beeshu Isugu imanayso ku baaqay.

 

news-image1Salaadiinta,Wagaradka,Odayaasha,Aqoonyahanka,Ganacsatada

iyo Cuqaasha Beesha Ciidagale-weyne Oo Muddeeyey Shirweyne Ay Beeshu Isugu Imanayso.

 

Hargeysa(SM):-Salaadiinta,Waxgaradka,Odayaasha,Aqoonyahanka,Ganacsatada iyo Cuqaasha beesha Ciidagale-weyne ayaa shaaciyey inay si buuxda u taageersan yihiin Shirweynaha uu ku baaqay Suldaan guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Ururka GAROODI oo ka dhici doona degmada Aw Barkhadle taariikhdu markay tahay 25/6/2013, looguna magacdarey “Barkhad laba”.

Sidaa waxalagu sheegay baaq ay ku saxeexan yihiin, waxaanu u dhignaa sidan:

“Anaga oo ah Salaadiinta, Waxgaradka, Odayaasha, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo Cuqaasha beesha Ciidagale-weyne ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, kadib markii aanu maanta isugu nimid shir qaatey muddo lix sacadood ah oo uu shirgudoominayey Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,kadib dood iyo falaqeyn dheer waxaanu isla garanay oo aanu si buuxda u taageernay shir-weynaha uu ku baaqay Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Ururka GAROODI oo horaanta 8/6/20013 uu shirka hore ka dhici doono Magaalada London ee Cariga Ingiriiska,Shirkaas oo loogu magac-daray ‘Barkhad Wan’,isla markaana u sii gogol-xaadhaya shirweynaha guud ee ay beeshu u dhan tahay kana dhici doona Degmada Aw Barkhdle ee Gobolka Maroodijeex taariikhdu markay tahay 25/6/2013,Shirweynaha guud oo loogu magac-daray “Barkhad laba”

Shirkaas oo ah shir dhaqan oo ay beeshu aayaheeda kaga tashanayso, isla markaana waafaqsan jiritaanka qaranka Somaliland iyo xukuumada talada haysa ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Shirkanina waxa uu la mid yahay Shirarka kale ee ay beelaha Somaliland qabsadaan.

Sidaa daradeed, Waxay beesha CiIdagale-Weyne taageersan tahay, jiritaanka iyo gooni isutaaga Somaliland iyo ilaalinta nabadgelyada oo ay beeshu kaalin laxaad leh kaga jirto.

Magacyada ku saxeexan baaqana waxay kala yihiin sidan:

1. Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

2. Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal.

3. Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle

4. Chief Caaqil Xasan Badmaax Maygaag,ahna guddomiyaha Cuqaasha Beesha.

5. Chief Caaqil Aabi Caaqil-Yare

6. Chief Caaqil Cali Axmed Cabdilaahi

7. Chief Caaqil Khadar Maxamed Axmed

8. Chief Caaqil Faysal Maxamed Axmed Guun

9. Chief Rashiid Cabdilaahi Faajeer

10. Chief Caaqil Liibaan Fadhfadhle

11. Caaqil Cali Jaamac Kaahin

12. Caaqil Maxamuud Cabdi Biite

13. Caaqil Cumar Cabdi Gurey

14. Caaqil Cali Maxamed Xuseen

15. Caaqil Cabdilaahi Axmed Diiriye

16. Caaqil Cali Cabdi Wacays

17. Caaqil Maxamed Indha-cade

18. Caaqil Gacan Axmed Muuse Afweyne

19. Nabadoon Maxamed Ibraahim Khuuriye

20. Oday Cumar Xaaji Daahir (Cumar Tareydh).

21. Oday Xasan Ismaaciil

22. Oday Ciise Aw Maxamuud Xaashi (Ciise Ruush)

23. Oday Xuseen Xasan Bad-maax

24. Ganacsade Axmed Cabdi Biite

25. Ganacsade Cabdinaasir Ciise Muuse

26. Eng.Cabdikariin Maxamed Nuur (Bitijoor)

27. Aqoonyahan Xasan Cabdiqaadir Kaarshe

28. Abwaan Cawil Ismaaciil Aadan

29. Ibraahim Xasan Carablow (Ibraahim Dheere)

30. Sheekhal Baladka Magaalada Hargeysa Sh. Ismaaciil Maxamed Ciise

31. Xuseen Ibraahim Askar

32. Ganacsade Cabdi Beekin Cismaan

33. Ganacsade Axmed Barawaani

34. Chief Caaqil Baashe Aw Aadan

35. Oday Khadar Axmed Like”

Mustafe-janaale

Xigasho…Hadhwanaagnews.com

Hargeysa/Somaliland