shirgudoonka Golaha wakiilada oo Raali gelinsiiyey xildhibaano hore loo baafiyey.

Shirgudoonka Golaha wakiilada JSL ayaa fadhigii shalay waxay raaligelin ku siiyeen xildhibaano doora oo ay sheegeen in si qaldan loo baafiyey xildhibaanadan oo ay sheegeen in aanay ka maqnaan Fadhiyada golaha sida Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac, Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Maxamed Yusuf Waabeeyo iyo xildhibaano kale oo 20eeyo ah.

Gudoomiyaha golaha wakiiladu wuxuu sheegay in xildhibaano 10 ah ay ujeedadu ahayd laakiin ay magacyadooda si dhakhso ah u baahin doonaan.

Wararkii ugu dambeeyey