Shirkada Isgaadhsiinta casriga ah Ee Telesom Oo Maanta Si Wayn Uga Dhex Muuqatay Xuska Dabaaldaga 18-ka May.

 Shirkada Isgaadhsiinta casriga ah Ee Telesom Oo Maanta Si Wayn Uga Dhex Muuqatay Xuska Dabaaldaga 18-ka May.

 

Dhamaan Shaqaalaha Shirkada Telesom Ee Gobolka Gabiley oo uu horkacayo maamulka shirkadaasi, Ayaa Iyagu Ahaa ….

Gabiley (SM)- Shirkada Isgaadhsiinta Casriga Ah Ee Telesom Ayaa Maanta Si Wayn Uga Dhex muuqatay Xuska Dabaaldaga 18-ka May Ee Gobolka Gabiley. 
DSC06694 
Dhamaan Shaqaalaha Shirkada Telesom Ee Gobolka Gabiley oo uuhorkacayo maamulka shirkadaasi, Ayaa Iyagu Ahaa Kuwo Ku Labisan Dhar uu ku Xardhanayahay Calanka Jamhuuriyada Somaliland Iyago Sidoo kalena Sitay Boodhadh Uu Ku Xardhanyahay Magaca Astaanta U Ah Shirkada Isgaadhsiinta Casriga Ah ee Telesom. 
 
Shaqaalaha shirkada isgaadhsiinta Telesom aya saaka gaardis ka ciyaar ku marey wadada halbawlaha u ah magaalada gabiley, waxayna babinayeen calanka Somaliland. Shaqaalaha oosi layaab leh u labistaan ayaa soo jiitey dhamaan indhaha dadweynaha. 
 
Dhinackale Shirkada isgaadhsiinta Telesom oo siweyn uga qayb qaadatey xuska 18ka may ayaa dadweynaha u samaysa qiimo dhimis dhinac Telefoonada ah oo ay dadweynuhu iskugu hanbalyeynayeen. 
 
Maaha markii ugu horeysay ee ay shirkada isgaadhsiinta telesom ka qayb qaadato xuska dabaal dega ee 18ka may, oo ay sanad walba qayb libaax leh ka qaadato xuskaasi. 
 
 
 
 
 
 
 

Salaanmedia/Hargaysa