Shirkadda Diyaaradaha Air Uganda Oo Bilaabaysa Duulimaadyo Ay Ku Tagayso Magaalada Muqdisho.

(SM.Kampala)- Shirkadda diyaaradaha dalka Uganda ee magaceeda la yidhaahdo Air Uganda, ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabayso duulimaadyo ku tagayso sannadkan Magaalada Muqdisho. Duulimaayada shirakkadan ayaa la sheegay in ay yihiin qaar Soomaaliya ku xidhaya caalamka, waxaana ka wada shaqeeyay dawlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

index

“Waxa nagala shaqeeyay Qaramada Midoobay, xukuumadda Soomaaliya sidii loo xaqiijin lahaa inay jirto nabadgalyo lagu sameyn karo duulimaadyo. Runtii mar hore ayaan tijaabo ku sameynay duulimaadyada Muqdisho, mana jiraan wax khatar ah,” ayuu yidhi madaxa shirkadda diyaaradaha Air Uganda, Cornwell Muleya. Waxa kale oo uu sheegay in duulimaadyada sameeyaan ay kor u kacee%6,laakiin meelo ka mida Qaarada Afrika ay jiraan hoos dhacyo. “Duulimaadyada si xowli ah ay sare ugu kaceen 6%, balse hoos u dhac ayaa laga dareemayaa meelaha gobollada Qaaradda qaarkood, balse waxaan arkaynaa in labadii xilli ee ugu dambeeyay uu Afrika ka jiro sare u kac dhinaca duulimaadyada ah,”

Salaanmedia/Kambala