Somaliland Oo ka qeyb gashay shir Lagu falan-qeynayay Kobcinta dhaqaalaha Oo Nairobi Lagu Qabtay

Somaliland Oo ka qeyb gashay shir Lagu falan-qeynayay Kobcinta dhaqaalaha Oo Nairobi Lagu Qabtay

May 29th, 2013 

download

“ Ujeedada Shirkaasi waxay ahayd in maal qabeenada Adduunku ay arkaan shrikadaha Somaliland”

“Waxaanu Shir la yeelanaynaa Hay’adaha UN-ka ee fadhigoodu yahay dalka Kenya ee la shaqeeya Somaliland”

Nayroobi (Somaliland.Org): Xukuumadda Somaliland ayaa ka qayb gashay shir goboleed lagaga hadlayay fursadaha maal gashi iyo kobcinta dhaqaalaha ganacsatada ee Somaliland iyo Soomaaliya oo shalay ka dhacay magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’ada caalami ee SORIC.co oo fadhigeedu yahay Somaliland ayay u jeedadiisu ahayd sidii maal qabeenada aduunka ee taageera ganacstada afrika ay u maalgelin lahaayeen ama u kobcin lahaayeen ganacstada soo koraya ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana shirkaasi ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibada, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, ganacsato iyo wershadlay reer Somaliland ah iyo sidoo kale maalqabeeno iyo ganacsato afrika iyo caalamka kaleba ka socday.
Wasiirka arrimaha dibada iyo si-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar, oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN isaga oo joogay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa faah-faahin ka bixiyay shirkaasi waxyaabihii u saabsanaa iyo arrimaha lagaga hadlay, waxaanu yidhi “aniga iyo masuuliyiin kale oo Somaliland ah oo uu ka mid yahay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya, waxaanu ka qayb galnay shir ku saabsanaa maal gashiga, kaasi oo ahaa shir goboleed lagaga hadlayay qorsheyaasha maal gashi iyo kobcinta dhaqaalaha, oo ay ka soo qayb galeen dawladaha Kenya, Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta (shalay) ka dhacay magaalada Nayroobi, waxa kale oo kulankaasi ka soo qayb galay shirkado ka dhisan Somaliland oo ay shirkada Dahabshiil ka mid tahay iyo shirkado kale, iyo sidoo kale wershado wax ka soo saara Somaliland sida waxyaabaha la siku qurxiyo, kuwaasi oo soo bandhigay carwo iyo waxyaabaha ay soo saaraan”.
Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa kale oo uu ka hadlay u jeedada shirkaasi iyo waxyaabihii lagaga hadlay, waxaanu yidhi “u jeedada shirkaasi waxay ahayd in maal qabeenada aduunka ee maal geliyada ganacsatada afrika oo ka soo qayb galay kulankaasi kuwaasi oo isugu jiray carab iyo afrikaan kaleba, si ay u arkaan wax soo saarka iyo shrikadaha ganacsiga ee Somaliland iyo Soomaaliya si loo kobciyo oo ay u helaan maal gelin iyo kaabeyaal dhaqaale”.

Wasiirka arrimaha dibada iyo si-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliladn ay shirkaasi ku soo bandhigtay fursadaha maalgashi ee Somaliland ka jira iyo in ay Somaliland u furan tahay maalqabeenada aduunka ee doonaya in ay maalgashadaan arrimaha horumarka sida macdanta, kalluumaysiga iyo waxyaabo kale.
“Somaliland waxay soo bandhigtay siyaasadeeda dhinaca maalgashiga iyo in ay Somaliland u furan tahay maalqabeenada caalamka ee doonaya in ay maal gashadaan horumarka Somaliland ee xagga macdanta, beeraha gaar ahaan kalluunka, wershadaha iyo arrimaha kale ee xagga horumarka, waxaanan soo bandhignay khayraadka ay Somaliland leedahay iyo frusadaha ganacsi ee Somaliland doonayso in ay kobciso. waxaanu ka codsanay qayb ka mid ah kobcinta dhaqaalaha dalka” ayuu yidhi wasiirku.
Dr. Maxamed C/laahi Cumar waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta guddaha ee Somaliland oo sheegayay in ay xukuumada Somaliland ka qayb gashay shir lagaga hadlayay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “shirkani waxa uu ahaa shir ay soo qaban qaabisay hay’ad ganacsi oo fadhigeedu yahay Somaliland oo ka diiwaan gashan, waxaana lagaga hadlayay sidii loo kobcin lahaa shirkadaha ganacsi ee Somaliland iyo Soomaaliya ka jira, muu ahayn shir siyaasadeed iyo shir arrimo kale lagaga hadlayay, ee wuxuu aha shir horumarinta xagga ganacsiga lagaga hadlayay ayuu ahaa”.

Wasiirku waxa kale oo uus heegay in ay maanta kulan balaadhan la yeelanayaan dhamaanba hay’adaha qaramada midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada Nayroobi isla markaana ay kala hadli doonaan arrimo muhiim u ah wadashaqaynta hay’ada jamciayda quruumaha ka dhaxaysa iyo Somaliland kuwaasi oo ay ka mid tahay qorshihii ay dahwaan qaramada midoobay maamulka hawada Somaliland ugu wareejisay dawlada Soomaaliya.

Waxaanu yidhi “berito (maanta) ayaanu shir wayn la yeelanaynaa dhamaanba hay’adaha jamciyada quruumaha ka dhaxaysa ee fadhigoodu yahay dalka Kenya magaalada Nayroobi ee la shaqeeya Somaliland, waxaanu kala hadli doonaa arrimo badan oo muhiim u ah wada shaqaynta qaramada midoobay hay’adaheeda kala duwan iyo xukuumada Somaliland iyo sidoo kale waxyaabo aanu dareen ka qabno oo aanu cabasho uga gudbinayno wada shaqaynta xafiisyo ka mid ah qaramada midoobay iyo Somaliland, arrimaha aanu ka hadlayno ayay ka mid tahay qorshihii ay jamciyada quruumaha ka dhaxaysaa maamulka hawada Somaliland ugu wareejisay Soomaaliya”.

Salaanmedia/Hargeysa