Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool Kenya oo soowajahday midab kala sooc iyo dhibaato baaxad weyn!!(Daawo Muuqaal+Warbixin

Soomaalida qaxootiga ah ee ku nool dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay soowajahday midab kala sooc iyo dhibaato baaxad weyn oo ay ku hayaan ciidamada dalka Kenya arintaas oo keentay inay isaga cararaan dalkaas

Soomaalidaan qaxootiga ah oo ahaa kuwo ay faa’iido ku qabeen dowlada iyo dadka reer AKenya ayaa isaga yaacay dalkaas ka dib markii ay u adkeysan waayeen dhibaato baaxad weyn oo kaga imaanaysa ciidamada dalka Kenya, Muwaadiniinta Soomaalida ah ayaa waxaa laga qafaashaa meelaha ay ku nool yihiin aygoona laga qaato lacago badan oo laaluush ah si ay xoriyadooda ay dib ugu helaan, Sidoo kale ayaa waxaa la weydiistaa Soomaalidaas inay bixiyaan lacago xad dhaaf ah hadii kale in lagu shaabadeyn doono inay ka mid yihiin maleeshiyaadka kooxda Alshabaab, haweenka qaxootiga Soomaalida ayaa ayagana waxaa loo geystaa kufsasho joogto ah arimahaas oo dhan ayaa waxay keentay inay qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaalida ay isaga cararaan dalkaas oo ayna dib ugu noqdaan dalkooda.

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas sida aadka ah u badan ay isaga laabteen dalkaas ayaa waxaa arintaas walaac ka muujiyey qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas Kenya iyadoona sida uu sheegay Cumar Axmed oo ah xoghayaha ganacsatad Soomaaliyeed ee Eastleigh in dadka Soomaaliyeed loola dhaqmay si xun oo aanan la siinin fursad wanaagsan oo ay si miyir leh ugu noqdaan dalkooda taas oo keentay inay isaga carareen ganacsigoodii islamarkaana la tabey maqnaanshaha Soomaalidaas maadaama ay banaanaatey kaalintoodii cid walbana ay dareentay arintaas.

Salaanmedia/Hargaysa