Soomaaligii ugu horeeyey abid ayaa waxaa la sheegay in dhawaan loo dhaariyey masuuliyada ugu sareysa oo uu qof Soomaali ah uu ka qabto ciidamada booliiska ee dalkaas Mareykanka.

 

Xasan Xuseen oo ah nin Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inuu noqday ninkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo ka mid noqda madaxda sare ee booliiska dalkaas Mareykanka, ninkaan oo dhawaantaan loo dhaariyey inuu noqdo ama uu qabto jagada Hennepin County deputy ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalkaas Mareykanka taas oo ah xilkii ugu horeeyey ee uu qof Soomaali ah uu ja qabto dalka Mareyknka, Ninkaan Soomaaliga ah oo hada ka howl gala xabsiga magaaladaas ayaa waxaa horyaala masuuliyad baaxad weyn oo ku saabsan jagadaas ama xilkaas loo magcaabay, Ninkaas ayaa sidoo kale waxaa uu xilkaas loo magacaabay uu siinayaa awood baaxad weyn leh oo ku yeelan karo deegaanada uu ka hawl galo asagoona noqon karo nin bixiyo amaro waaweyn oo ku saabsan ilaalinta amaanka iyo howl galinta booliiska deeganada uu ka shaqo galo ninkaas. 

Ugu danbeyntiina iyadoo uu ninkaas Soomaaliga ah uu sheegay inuu xilkaas loo magacaabay uu si aad iyo aad ah uu ugu faraxsan yahay ayaa waxaa arintaas sidoo kale soo dhaweeyey Shariifoowga magaaladaas ninka lagu magacaabo Rich Stanek kaas oo sheegay inuu ninkaas wax weyn ka tari doono wanaajinta xiriirka Soomaalida iyo Booliiska, Inkastoo uu yahay ninkaan Soomaaligii ugu horeeyey ee jagadaas qabta ayaa hadana waxaa jira Soomaali kale oo badan oo arintaas dadaal weyn ugu jiro sidii ay xilalkaas oo kale uga qaban l;ahaayeen dalka Mareykanka iyadoona ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo hada ugu jiro tababar arimahaas.

Â