Suldaan Xiiray Oo Baaq u jeediyay Axsaabta Siyaasadda Somaliland

Suldaan Xiiray Oo Baaq u jeediyay Axsaabta Siyaasadda Somaliland

May 10th, 2013

Hargaysa (SM); Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa ugu baaqay axsaabta siyaasada iyo shacbiga Somaliland in ay ilaaliyaan nabadgalyada.

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo maanta warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in looga baahan yahay xisbiyada siyaasada iyo shacbiguba in aanay ku kicin waxyaabo ka hor imanaya qaranimada Somaliland. Waxaana uu tilmaamay in aan loo baahnayn in lagu kaco wakhtigan oo ah mid xasaasi ah waxyaabo wax u dhimaya nabadgalyada.

Suldaan Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “xili adag baynu ku jirnaa shirar baa socda siyaasadu marka kala guurka tahay ama nidaam imanayo, ama arrimo laga wada hadlay, waa la dhawraa waa la ilaaliyaa qaranimada waayo haddii kale dhaawac bay inagu keenaysaa, waxaan ka codsanayaa xukuumada iyo asxaabta qaranka iyo shacbiga inay nabadgalyada ilaaliyaan qaranimadooda ilaashadaan”.

Waxa kale oo Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray ka hadlay dhibaatooyin uu sheegay inay haystaan dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ku nool gobolka Barri ee maamul goboleedka Puntland, waxanu baaq u diray madaxweynaha Puntland iyo hogaamiye dhaqameedyada deegaankaasi, in ay wax ka qabtaan cabashada dadkaasi.

waxana uu yidhi “C/raxmaan Faroole oo oday Soomaaliyeed u arkayo waxaan leeyahay oday Soomaaliyeed ayaad tahay, arrintaa si dhakhso ah u eegaan cid bay ka cabanayaan ama wasaaradda ama shacbiga ama cid gaara, waxaan leenahay waa in aad si toosa arrintaa uga hawlgashaa ayaan ka codsanaynaa, hadaanu nahay dhaqankii dadka waa isku mid haday dhadhan cankaasi timaado eray odhanaaya halkan umaad dhalan ee meel kalaad u dhalatay. Soomaali meel walba way joogtaa haduu dhadhankaasi Soomaali ku bilaabmo waa fool xumo arrin meel ka dhaca weeye arrintana waxaan leeyahay halaga dabo tago”.

Salaanmedia/Hargeysa