Tabaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson oo ka fariistay shaqadii tababarnimo ee kooxda Manchester United . (Daawo sawirada)

Tabaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson oo ka fariistay shaqadii tababarnimo ee kooxda Manchester United . (Daawo sawirada)

Sir Alex Ferguson ayaa ka fariistay shaqada tababare ee kooxda Manchester United kadib 26 sannadood iyo bar oo uu soo hogaaminayay kooxdaasi, islamarkaana uu u qaaday koobab fara badan..

ww

Ferguson tababaraha reer Scotland ee 71 sanno jir ah ayaa ku guuleystay 13 horyaalka Premier League, labo Champions League, UEFA Cup Winners Cup, shan FA Cup iyo shan League Cup.

Sir Alex Ferguson ayaa door agaasime ka qaban doona kooxda Manchester United isagoo sidoo kale u noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan ambassador.

Ferguson ayaa ka tagaya shaqada United isagoo ah tababaraha ugu guulaha badan taariikhda Britian, isagoo ku guuleystay seddexdii koob ee caanka ahaa 1999kii.

Waxa uu marayaa qaliin sinta ah xagaaga, taasoo laga yaabo inay keentay go’aankiisa uu ciyaaraha kaga fariisanayo.

Waxaa haatan ugu cadcad inuu shaqada ka bedelo oo saxaafada ay hadalheysaa tababaraha kooxda Everton David Moyes.

eedd