Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Goor Dhaweyd Soo Bandhigay Telefoono Dadweynuhu Kala Soo Xidhiidhi Karaan.

(SM)-Hargeysa) Taliyaha  Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto- Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa dadweynaha Somaliland u soo jeediyay inay ilaaliyaan nabad-gelyadda dalka maalinta Sabtida ee loo dabaal degayo sanad-guurada 22-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland.

news

Taliyuhu waxa uu soo bandhigay  lambarada Telefoono dadweynuhu Booliska kala soo xidhiidhi doonaan haddii ay arkaan wax cabsi ah oo la xidhiidha dhinaca ammaanka.

Sareeye Guuto- Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu halkaasi ka akhriyay war-saxaafadeed u dhignaa sidan:-

“Sidaad la socotaan waxa fooda innagu soo haysa sannad-guuradii 22aad ee Qaranimada JSL oo ku beegan maalinta Sabtida ee 18 May 2013.

1.       Marka hore waxaan idin la socodsiinayaa in nabadgelyada guud ee dalku wanaagsan tahay.

2.       Waxaan idiin sheegayaa maadaama lagu jiro dabaal-dega 18 May in Ciidanka Booliska JSL dhammaan gobolada dalka uu heegan buuxa ku jiro (Full Alert) iyagoo kaashanaya Hay’adaha Amniga ee wada shaqayntu ka dhaxayso iyo dhammaan  Ciidamada kala duwan ee qalabka sida, waxaana idin la socodsiinayaa in dadweynaha Reer Somaliland oo gacan weyn oo buuxda ka siiya Ciidanka Booliska ilaalinta nabadgelyada wax kasta oo dareen ka galena soo gaadhsiiya Ciidanka Booliska waxaan halkan uga soo jeedinayaa mahad balaadhan, waxaanan ka codsanayaa inay sii laban-laabaan maadaama lagu jiro 18-ka May.

 Waxa kale oo aan dadweynaha Reer Somaliland la socodsiinayaa in goobaha ay Ciidamada Qalabka sida ka dhaqaaqi doonaan iyo Ururada Bulshadu ay tusi doonaan Ciidanka Nabadgelyada ilaalinaya goobaha loogu talo-galay inay dadweynuhu  ka daawadaan.

Waxa kale oo jira shaashado waddooyinka dhinacooda ku yaala oo si toos ah  looga daawan doono. Waxaan Bulshada Reer Somaliland si mug leh uga codsanaynaa inay baraha loo cayimay ay ku ekaadaan.

Waxa kale oo la xadidi doonaa dhaqdhaqaaqa Gaadiidka dhammaan dalka JSL inta dabaal-degu socdo. Taas oo Ciidanka Boolisku uga dan leeyahay adkaynta Nabadgelyada, waxaana Ciidanka Boolisku diyaariyay Tilifoono Landline ah oo lagala soo xidhiidho doono oo Online ah, kuwaas oo kala ah:

Shirkada Telesom

520175

520257

Shirkada Somtel

7923169

7923170

Telephone-nadaas oo dadweynuhu wax kasta oo ay la kulmkaan la soo socodsiin doonaan.”

252 2 9162495.

Salaanmedia/Hargaysa