Telefishinka ugu Wayn Dalka Canada CBC-da Ayaa sida Tooska ah Caawa Looga Dawaday Heesaha Wadaniyadda Somaliland

 Telefishinka ugu Wayn Dalka Canada CBC-da Ayaa sida Tooska ah Caawa Looga Dawaday Heesaha Wadaniyadda Somaliland ee uu ku Luuqeeyo Fananka Caanka ah Sir Mahamud Cumer Yare (Walaalaha Sweden) & Telefishinka oo soo bandhigay Tarikhda S/Land.


Friday, May 10, 2013
Edmonton-(SM)-Waxaa dalka Canada kusugan Fanaanka , Abwaanka, Musikiistaha iyo Mulaxanka wayn ee caanka ah Sir Mahamud Cumer Yare (Walaalaha Sweden) Waxaa usocdaalkiisa

 

Edmonton-(SM)-Waxaa dalka Canada kusugan Fanaanka , Abwaanka, Musikiistaha iyo Mulaxanka wayn ee caanka ah Sir Mahamud Cumer Yare (Walaalaha Sweden) Waxaa usocdaalkiisa ahaa sidii uu shicibkiisa Somaliland ee Canada ku dhaqan uga qayb qaadan lahaa Dabashaadka Xaflada 22 Guurada kazoo wareegtay Gooni isku taaga Somaliland ee 18 May.

Hadaba Fanaanka Sir Mahamud (Walaalaha Sweden) Ayaa waxaa lagu casuumay Telefishinka way nee Caalamiga ah CBC TV taasoo uu si Toos ah (Live) uga hesay Heesihiisa Somaliland qaar kamid ah waana markii ugu horeysay ee uu TV-ga CBC ee Canada si geesnimo leh uga faalooday Somaliland Taarikhdeeda iyo heerarkii ay soo martay.

 

Waxaa kaloo uu Telefihinka CBC xusey Xaflada Aduunka kakala dhici doona ee loogu dabaa  dagayo 22 Guurada kazoo wareegtay Somaliland gaar ahaan Xafalada ka dhici doono Dalkan Canada oo ay soo qaateen Xaflada ee uu sir mahamud ka dhigi doono Magalada Edmonton habeenka Sabtida ah May 11 2013. Waxaa kaloo uu Tlefishinka CBC ee Edmonton Xusey oo uu carabka ku dhuuftay inay Xaflada kaloo oo wayn ay ka dhacayso Magalada Toronto Habeenka Sabtida oo ay ku began tahay 18 may iyo Xaflada Ottawa ka dhacaysa waxaana uu telefishinka CBC sheegay inay Fanaaniin kale oo badan oo Bulshada Somaliland Magac ku dhex leh ay kala qayb gali doonaan.

Barnamijkan Ka baxay Telefishinka ugu wayn dalka Canada CBC-da ee Edmonton ayaa waxa ay noqonaysaa Taageero wayn oo ay Canada u Muujisey Qadiyadda Somaliland madama ay Taarkhda Somaliland 18 May ay tahay Taarikh xusid mudan, dhinaca kale  waxaa barnamijkan inuu ka baxo  Telefishinka CBC-da sahlay Muwaadin Somaliland u dhashay oo layidhaahdo Captan Cabdul.

 

Fanaanka , Abwaanka, Musikiistaha iyo Mulaxanka wayn ee caanka ah Sir Mahamud Cumer Yare (Walaalaha Sweden) Ayaa dhamaan dalka Canada si toos ah looga Daawanayay Heesihiisa Qiimaha lahaa ee uu Somaliland Calankeeda u heesayay.

 

Waxaan idiin soo bandhigi doona Markii uu Sir mahamud sida tooska ah uga heesayay telefishinka CBC-da ee Canada.

Anwar Sheekh Edmonton/Canada

Â