Turkish Airways Oo Duulimaad-Yadeedii Muqdisho Joojisay Xili Laga Cabsi Qabo Weeraro Is-Miidaamin Ah Oo Al-Shabaab Ka Fuliso Halkaas

Turkish Airways Oo Duulimaad-Yadeedii Muqdisho Joojisay Xili Laga Cabsi Qabo Weeraro Is-Miidaamin Ah Oo Al-Shabaab Ka Fuliso Halkaas

news

 

 

Muqdisho, May 2, 2013 (SM) – Shirkada Diyuuradaha dalka Turkiga ee Turkish Airweys ayaa shalay joojisay duulimaadyadeed ay ku iman laheyd Magaalada Muqdisho, xili maalintii shalay rakaab badan oo ku qornaa laga celiyey Madaarka Magaaladda Muqdisho ee Aadan Cadde. Sidoo kale si dhab ah looma oga sababta keentey inay Turkish Airways joojiso duulimadaadeeda, walow lala xidhiidhiyey arintaas Cabsi dhina Amniga ah, iyada oo ay si caadi ah u socdaan Duulimaadadii Madaarkaas diyuuradaha kale ku imanayeen.

Sidoo kale Saraakiisha laanta duulista iyo saadaasha hawada ee Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in dayuuradaha Turkish Airlines ay iskeed u baaqatay, isla markaana aanay jirin wax shaqo joojin ah oo lagu sameeyey howlihii garoonka ka socdaym ayna shaqada caadi u socoto. Dhinaca kale Magaaladda Muqdisho ayaa maalintii labaad gashay xaalad cabsiyeed oo laga qabo weeraro is qarxin ah oo la filayo inay kooxda Al-shabaab ka fuliso, kuwaas oo keenay hawlgalo ay Ciidamada Amisom iyo kuwa dawladda Somalia ay ka samaynayaan dhamaan Magaalada Muqdisho, isla markaana xanibtey isku socodkii gaadiidka kala duwan ee Dadweynaha iyo Dawladdaba.

Xigasho Haatuf