UCID oo magacaabay xilal cusub…War murtiyeed

ASC Dhamaantiinba,

 

ucid

Ujeedo: Magacaabis Laba Xil oo Cusub

 

Wada tashi dheer ka dib waxa la isla gartay in loo magacaabo  C/llaahi Cumar Xuseen (Shaqale) in uu noqdo  Xoghaya Xisbiga Ucid ee UK, halka Farduus Cige Ismaaciil iyana la isla qaatay in ay noqoto Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Ucid UK.

 

Waxa aan ku rajo weynahay in xubnaha iyo taageerayaasha  Xisbiga Ucidba ay si fiican ula shaqeyn doonaan mas’uuliyiintaasi xilalkan cusub loo magacaabay.  Waxa kale oo aan kalsooni weyn ku qabaa in C/llaahi iyo Farduusba  ay si karti iyo hufnaani ku jirto u gudan doonaan xilalkooda iyo waajibaadkooda  si waafaqsan Xeerka Guud ee Xisbiga Ucid. 

 

Allah Mahad Leh

 

Axmed Aden Ismaaciil (Keyse)

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid