Ugaaska Beelaha Gobolka Awdal Oo Maanta Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay

(S-Boorama) Ugaaska Beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid  Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa maanta lagu soo dhaweeye Boorama soo gaadhay si wayna loogu soo dhaweeyay Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awddal, isaga oo ka soo kicitimay dhinaca Dalka Itoobiya.

Ugaaska oo aan soo dhawayntiisa loo  ala hadhin ayaa waxa ka dhex muuqday maamulka gobolka, kan degmada Boorama, salaadiinta dhaqanka, waxgarad culamaa’udiin iyo dadwayne aad u tira badan, waxana saaka waabarigii ay dadwaynahu is tubeen wadooyinka Boorama, iyada oo Ugaaska lagaga hortagay xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

                                                                         

Ugaaska ayaa markii uu soo gaadhay Boorama waxa wadooyinka ku sugayay oo sacab iyo mashxarad ku soo dhaweeyay dadwayne aad u tiro badan oo watay caleemo qoyan isla markaana ku luuqaynayay hadalo soo dhawyn ah oo ay ugaaska ku marti qaadayeen.

Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ah suldaanka guud ee Beelaha Bahabar-muuse isla markaana lahaa martiqaadka ugaaska oo dareenkiisa cabiray ayaa yidhi “ Waan soo dhawaynay Ugaas Cabdirashiid maanta, si wayn ayaan u soo dhawynay, dadku way u dhan yihiin oo looma kala hadhin, waa taas nimcadii na dul taagan maanta, waa waqtigii loo baahnaa inuu noo yimaado waa waqtigii lagu maahmaahay “ALOW DOODO SOO CELI DHAHA DIB AAD U MAGOOSHAANE”

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo isaguna si diiran u soo dhaweeyay ugaaska ayaa yidhi “ Ugaas ku soo dhaweew dalkaagii, ku soo dhawoow gobolkii awdal, ku soo dhawow dawladaasii, gacmo furan ayaan kugu soo dhawaynaynaa, waana maalin nagu wayn oo ay nimcad balaadhan na dul taagan tahay.

Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi oo isaguna halkaasi ka soo jeediyay hadalo mahadnaq u badan ayaa halkaasi ka duceeyay waxana uu yidhi “ Waad mahadsan tihiin, waan dhowahay, kaan ku soo dhawaaday dalkaygii iyo dawladaydii, waan ka mahadnaqayaa soo dhawaytan aanan look ala hadhin, midnimo ayaanan Eebe noo baryayayaa”.

Ugaaska iyo Weftiga la socday ayaa isla duhurnimadii maantaba loo sameeyay qado sharaf aad u balaadhan oo ay ka soo wada qayb galeen odaydhaqameedyo aad u tiro badan, waana markii labaad ee uu soo gaadho Boorama tan iyo intii uu qurbaha ka yimid ee la doortay.

Salaanmedia/Boorama