Urur Goboleedka IGAD oo sharci darro ku tilmaantay doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Wasiirada Arimaha dibadayd  ee wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa sharci daro ku tilmaamay arimaha ka jira Magaalada Kismaayo iyo doorashooyinkii dhawaan looga dhawaqay inay ka dhaceen.

IGAD-logo

Shirkaasi ayaa waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah oo ay wasiirada arimaha dibada ee IGAD ay isla falan qeeyeen iyadoona qodobada ka soo baxay la hor geyn doono kulan caawa ay ku yeelayaan magaalada Adis Ababa ee wadanka Ethiopia madaxda urur Goboleedka IGAD.

Waxaa ka mid ah qodobada ka soo baxay shirkaasi in wasiirada Arimaha Dibada ee IGAD ay isku raaceen inay Sharci Darro ahayd Doorashooyinkii madaxweynayaasha farabadn lagu doortay ee ka dhacay Kismaayo oo uuna ka hor imaanayo Dastuurka Soomaaliya u degsan.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa in dowlada Soomaaliya ay dhawaan qabaneyso shir weyne looga hadlaayo arimaha kismaayo kismaayana lagu Qabanaayo inkastoo aan la sheegin xilliga la qabanaayo shirkaasi..

Qodabada ay wasiirada arimaha Dibada ay ka soo saareen shirka ayaa waxaa ka mid ah inay ka digeen Dagaalo ka dhaca magaalada kismaayo iyo Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo hadii aan wax laga qaban sidoo kale waxaa ka mid ah inay ku baaqeen in la xoojiyo dagaalkii lagula jiray Al-shabaab ee Gobalada jubbooyinka oo ay tilmaameen inuu hakad galay .

Dhinaca kale Shirkaan ayaa waxa uu hordhac u yahay shir ay caawa ku yeelanayaan magaalada adis ababa Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD.

Siciid Maxamed

Salaanmedia/Adiss-Ababa