“Waa Nasiib darro in Guddoomiyaha UCID 13 sanadood ka dib uu shir beeleed ku yabooho”

“Waa Nasiib darro in Guddoomiyaha UCID 13 sanadood ka dib uu shir beeleed ku yabooho”

May 2nd, 2013 

Hargeysa (SM)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaji Cabdillaahi (Xamarji) oo socdaal hadda ku jooga Magaaladda Hargaysa, ayaa nasiib darro ku tilmaamay Shirka Qaran ee guddoomiyaha Xisbiga UCID kaga dhawaaqay Gobolka Awdal, wuxuuna tilmaamay in Faysal Cali Waraabe raad arooryo dib u raacay.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Gudoomiyuhu waraysi uu maanta ku siiyay Hargeysa qaar ka mid ah saxaafadda.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay sida uu u arko baaqa Guddoomiyaha UCID ee shirka uu ku tilmaamay tallo qaran, waxa uu yidhi “Waxaa nasiib darro ah in saxiibkay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, oo runtii 13 sanno ka hor ku faani jiray inuu ahaa ninkii tageeray nidaamka Xisbiyada badan ee Somaliland, isla markaana sheegi jiray inuu qaaday shir beleedadii, inuu maanta raadkiisi dib u raaco oo ku baaqo shir beleed, waxaan odhan lahaa Faysalow dalku nidaam ayuu leeyahay dawlad ayaa jirta, Xisbi baad tahay shirbeleed lama joogo wakhtigiisi”.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Mud Xamarji oo markale la waydiiyay in maadaama Guddoomiyaha UCID sheegay inuu la kulmay salaadiinta Gobolka Awdal oo uu safar ku tagay, wuxuu ka yeelaayo haddii Faysal Cali Waraabe arrintaas oo kale safar ugu yimaado Gobolka uu Guddoomiyaha ka yahay, wuxuuna markale ku jawaabay. “Gobolka Togdheer wax arrintaas ku saabsan lama iman karo, kamana yeelayno mid ka dhacaysana maha.”

Badhasaabka Togdheer wuxuu sidoo kale ka hadlay, waxyabihii u qabsoomay iyo sida looga soo dhaweeyay Gobolkaas, isagoo sidoo kale ka mahad sheegtay muddadii uu ka hawl galaayay Gobolka Maroodijeex.

Salaanmedia