Wafti Dowlada Soomaaliya U Dirtay Kismaayo Oo Amar Lagu siiyay In Ay Deg Deg Uga Soo Baxaan Magaaladaasi

Wafti Dowlada Soomaaliya U Dirtay Kismaayo Oo Amar Lagu siiyay In Ay Deg Deg Uga Soo Baxaan Magaaladaasi

May 17,2013 Muqdisho(Cadceed) Xukuumada Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in si Deg deg ah Dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho wafdi Dowlada ah oo maalin kahor gaaray Magalaada Kismaayo kuwaa oo loogu tala galay Xalinta Qilaafkaadka kajira Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa ku amray Wafdigaasi hada Jooga Magaalada Kismaayo in ee dib uga soo laabtaan Magaaladaasi kadib markii xaaladaha Siyaasadeed ee kajira KIsmaayo Cirka isku sii shareereen.
“Waxaan amar ku siinay wafdigii Kismaayo loo diray iney dib u soo laabtaan, si dawladdu ay go’aan uga qaadato arrinta Kismaayo” ayuu intaa ku daray wasiirka.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa intaa ku daray in wafdiga ay direen ay kooxaha Kismaayo isku heysta kulan ka dalbadeen, balse howsha wafdigaas loo diray aysan sidaas aheyn, kulana la qaadaneynin.

“ Dowlada Soomaaliya raali marnaba kama ahan waxa Hada Kismaayo kasocda ,Koox Jabhad qabiil ah oo hubeysan kama talin karto aayaha bulshada Jubbooyinka, waana u sheegnay dawladda Kenya iney faraha kala baxdo arrimaha maamul sameynta Kismaayo ayna ka ahaato dhax dhaxaad .” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Xusay in Hogaamiyaha Raaskanbooni Sheekh Axmed Madoobe oo Maalin kahor Kismaayo loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Jubaland State in uusan ka duwaneen dadka caadiga ah ee Kismaayo ku dhaqan hadii uusan wali ku dhagneen Fikirkii uu horey uga soo laabtay.

Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga careesan waxa kasocda Magaalada Kismaayo waxa eena arintan sii fogeeneysaa Qilaafka ka dhaxeeya Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka KMG ee Kismaayo kataliya uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Salaanmedia/ Muqdisho