Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Wafti Shirkdaha Ka Ganacsada Xoolaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo uu qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Ahna Hogaanka N/galyada iyo Cadaalda DDSI.

Wafti Shirkdaha Ka Ganacsada Xoolaha Sacuudiga iyo Imaaraadka oo uu qaabilay Madaxweyne Kuxigeenka Ahna Hogaanka N/galyada iyo Cadaalda DDSI.

Jigjiga(SM) Khamiis 04 April,2013.Waftiga ka kooban Maalqabeenada ka Ganacsada Xoolaha ee Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa maalintii shalay ahayd ka soo dagay garoonka diyaaraha ee wiil waal International Air-port halkaasoo lagu soo dhaweeyay.shalay ayaa waxaay kulamo layeesheen masuuliyinta xukuumada DDSi iyadoona kulan kii ugu horeeyay kula yeesheen xafiiska madaxwaynaha DDSI halkaasoo uu ku qaabiay madaxwayne ku xigeenka ahna hogaaanka N/galyada maamulka iyo cadaalada mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo ay wehelinayeen madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka caafimaadka mudane C/fataax Maxamud Xasan,wasiirka madaxtooyada mudane C/casis maxamed Cabdi iyo wasiiro kale oo ay ka mid ahaayeen wasiirka beeraha, wasiirka waxbarashada, wasiirka maaliyada iyo maxadaxa wakaalada maalgalinta DDSI.

Waxaana waftigan ka socday wadamada suduudiga iyo imaaraadka-carabta gaar ahaan shirkadaha ganacsiga xoolaha ayaa ay ka mid tahay shirkada Ganacsiga xoolaha ugu wayn ee lagu magacaabo Aljaabiri oo ah shirkadaha ugu wayn ee ka dhoofsada xoolaha geeska afrika,waxaana ugu horayntii waftigaasi hadalo ku soo dhawaynaya deegaanka iyo xidhiidhka Ganacsi kula hadlay madaxwayne ku xigeenka ahna hogaanka N/galyada maamulka iyo cadaalada mudane c/laahi yuusuf weerar isaga oo warbixin kooban ka siiyay guud ahaanba deegaanka iyo ilihiisa Dakhli,wuxuuna tilmaayay in DDSI ay tahay meesha ay ku nool yihiin xoolaha ugu tirada badan uguna tayada manaafacaadka wanaagsan geeska afrika,oo uu yahay dhul ILLAHAY ku manaystay nimcooyin kiisa sida khayraadka dabiiciga ee ay ka mid ka yihiin:- wabiyada,macdanta noocyadeeda kala duwan fooxa,xabagta,malabka,malmalka,beeyada,islamarkaana hodan ku ah waxsoosaarka Dalagyada Beeraha iyo Dhul daaqsimeedka kaymahaba.

Dhanka kale Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka caafimaadka mudane c/fataax ayaa isagu si qoto-dheer ugu waramay in xoolaha ugu tirada badan ee ay sucuudigu waligoodba ay ka qaadan jireen Dalalka derisku ay ahaayeen Xoolaha laga keeno DDSI,iyadoona xoolaha DDSI Caafimaadkooda aad loola socdo lana daweeyo lagana caawin doono ganacsiga xoolaha iyo xidhiidhka Ganacsatada iyo shirkadaha ayuu yidh.

Wasiirka beeraha Dr c/qaadir iimaan ayaa warbixin balaadhan oo ka waramaysa xoolaha iyo khayraadka uu leeyahay deegaanku iga waramay waftigaasi isaga oo tilmaamay wasiirku in xukuumada DDSI ay dadaal dheeriya siisay tayada xoolaha maadaamo uu nolosha bulshadu intooda badan ay ku tiirsan tahay xoolo dhaqashada islamarkaana is aan kala go lahayn loola duljooga daawaynta iyo talaalka xoolaha nool.

Waftigaasi ayaa iyaguna dhankooda mahadnaq balaadhan ka dib waxay sheegeen in mudo 6 sanno oo ay ka foodhiyaan xoola soomaliya iyo soomaliland ay ogaadeen in tirada uga badan ee xoolaha ee ay foodhsadaan ay ka yimaadaan deegaanka soomalida itoobiya sidaasi dar deedna ay lagama maar maan noqotay in ay xukuumada deegaanka kala xoojoogaan in si foos ah aan uga dhoofsano xoolaha DDSI .

Isku soo wada duub oo kulankan maanta ayaa u dhacay sifiican oo laysa afgartay sidii ay xukuudada iyo ganacsatadani ay uga wada shaqayn lahaayeen dhoofinta xoolaha nool taasi oo wakhli dhaw la bilaabidoona.

Salaanmedia/Jig-jiga




Leave a Reply